Kooxda ka dhisan Serie A ee AC Milan ayaa wadada u mari doonta kooxda dhaawacantay ee Real Madrid oo doonaysa in ay ku soo laabato wadada guusha.
Labada kooxood ee Real Madrid iyo AC Milan ayaa ku guulaystay in ay saddexda dhibcood qaateen kulankoodii ugu dambeeyay ee UEFA Champions League, waxayna doonayaan inay sii xoojiyaan kulanka marka ay isaga hor yimaadaan Santiago Bernabeu.
Ciyaarta Los Blancos ee horyaalka La Liga ay wajahaysay Valencia ayaa dib loo dhigay kadib markii kooxda Valencia ay duufaano ku dhufatay.. Kooxda dhar cad-cadka ayaa nasasho ku jirtay tan iyo guuldaradii 4-0 ahayd ee ay kala kulmeen Barcelona kulan ka tirsanaa Classico. Waxa ay heleen wakhti aad u badan oo ay kaga fikiri karaan guuldaradaas waxana ay haatan doonayaan in ay ku soo laabtaan wadada saxda ah kulanka Milan.
Wararka Kooxda kahor kulanka.
Real Madrid
Carlo Ancelotti ayaa waayi doona adeega xiddigaha Thibaut Courtois, Dani Carvajal iyo David Alaba kulankaan. Iyadoo Antonio Rudiger uu la tacaalaayay dhibaato jilibka ah, waxaa la filayaa inuu taam buuxa u noqdo kulankaan. Rodrygo ayaa dib ugu soo laabtay kooxda laakiin uma badna in lagu soo bilaawo kulanka bilawgii hore.
Real Madrid ma ciyaarin tan iyo guuldaradii El Clasico. Los Blancos ayaa ku ciyaari doonta shaxda XI-ugu xooggan ee suurtogalka ah. Andriy Lunin ayaa goolka u noqon doona kooxda martida loo yahay, halka Lucas Vazquez iyo Ferland Mendy la filayo inay noqdaan daafacyada dambe. Wadnaha daafaca, Eder Militao waa inuu la shaqeeyaa xiddiga Jarmalka Rudiger.
Halka Aurelien Tchouameni uu yahay dooqa khadka dhexe daafaca ee kooxda dhar cad, waxaa laga yaabaa inuu kursiga keydka fadhiyo. Eduardo Camavinga ayaa laga yaabaa inuu qaato doorkaas, iyadoo Federico Valverde iyo Luka Modric ay taageerayaan. Jude Bellingham waa inuu ku sii jiraa lambarka tobanka, iyadoo Vinicius Junior iyo Kylian Mbappe ay hogaaminayaan weerarka.
Dhanka kale Ac Milan Paulo Fonseca ayaa weyn doona adeega xiddigaha Luka Jovic, Matteo Gabbia, Ismael Bennacer iyo Alessandro Florenzi. Tammy Abraham ayaa ku soo laabtay kooxda kulankii ugu dambeeyay ee ay ciyaartay waxana uu diyaar u noqon doonaa in uu soo xusho. Rafael Leao, ayaa ku dhibtoonayay qaab ciyaareedkiisii ugu dambeeyay, islamarkaana kursiga keydka la dhigay kulankii ugu dambeeyay, waa inuu kusoo bilowdo kulankan muhiimka ah ee Real Madrid.
AC Milan ayaa ku soo bixi doonta shaxda 4-3-3, waxaana goolka ku jiri doona Mike Maignan. Emerson Royal iyo Theo Hernandez ayaa noqon doona daafacyada buuxa, halka Malick Thiaw iyo Fikayo Tomori ay ka soo muuqan doonaan wadnaha daafaca.
Youssouf Fofana ayaa mas’uul ka noqon doona doorka difaaca ee bartamaha garoonka, halka Ruben Loftus-Cheek iyo Tijjani Reijnders la filayo inay gacan ka geystaan. Weerarka, Alvaro Morata waa inuu sii wadaa inuu hogaamiyo weerarka. Leao waa inuu ka ciyaaraa garabka bidix, halka Christian Pulisic uu ku soo bilaaban doono midig.
Safka macquulka ah ee Real Madrid (4-4-2): Lunin; Vazquez, Militao, Rudiger, Mendy; Valverde, Camavinga, Modric; Bellingham; Vinicius, iyo Mbappe.
Safka macquulka ah ee Ac Milan (4-3-3): Maignan; Royal, Thiaw, Tomori, Hernandez; Loftus-Cheek, Fofana, Reijnders; Pulisic, Morata, iyo Leao.
Xaqiiqoyinka Kulanka Madrid vs Milan.
●Real Madrid iyo AC Milan ayaa labadoodaba badiyay min lix kulan 15-kii kulan ee u dhaxeeyay labada kooxood ee Champions League.
●Kooxda reer Talyaani ayaan wax guul ah gaarin seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Los Blancos tartanka UEFA Champions League.
●AC Milan ayaa markii ugu dambeysay guul ka gaartay Real Madrid bishii October 2009.
●AC Milan ayaa hal mar kaliya ku badisay garoonka caanka ah ee Santiago Bernabeu waxayna guushaas timid wareega group-yada 2009/10.
●Real Madrid ayaa badisay 17-ka mid ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay kooxaha Italy tartanka champions League.