Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Isbaanish ah oo ku guulaysta Ballon d’Or tan iyo 1960kii.
Ciyaaryahanka khadka dhexe, oo garoomada kaga maqnaa dhaawac ACL tan iyo barbarihii 2-2 ay la galeen Arsenal horaantii xilli ciyaareedkan, ayaa loo caleemo saaray ciyaaryahanka ugu fiican adduunka sannadka 2024 kadib markii uu ku garaacay labada ciyaaryahan ka tirsan Real Madrid ee kala ah Vinicius Jr iyo Jude Bellingham.
28 jirkaan ayaa muhiim u ahaa kooxda iyo wadankiisa 12-kii bilood ee lasoo dhaafay, isagoo ka caawiyay City inay xaqiijiso rikoodhka afar jeer ee horyaalka oo isku xigta ee Premier League, inay ku guuleystaan waxaana uu fure u ahaa guushii Spain ee Euro 2024.
Abaalmarintiisa habeenimadii isniinta ayaa ka dhigeysa Rodri ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Isbaanish ah tan iyo Luis Suarez oo hantay Ballon d’Or.
Abaalmarinta ayaa waxaa u qalmay xiddiga reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior, hasa ahaatee waxaa laga doorbiday oo si qalad leh loo siiyay xiddiga Reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Rodri.