Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku loolamayaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Kenan Yildiz kaas oo lagu tilmaamo New Ronaldo, wuxuuna mudooyinkii soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.
Yildiz, oo 19 jir ah, ayaa ku soo baxay mid ka mid ah weeraryahannada ugu tayada wanaagsan Serie A tan iyo bilowgii ololahan.
Da’yarka kasoo jeeda xulka Turkey ee Yildiz ayaa kamid ah weeraryahanada da’yarta ah ee loogu doonista badan yahay qaaradda Yurub, waxaana ku daggaalaamaya adeegiisa kooxaha Liverpool iyo Arsenal oo doonaaya inay keenaan xididgan da,yarka ah reer Turkey horyaaalja waddanka ingiriiska ee Premier League.
Kooxda uu hoggaamiyo macalin Thiago Motta ee Juventus ayaa waxa uu kusoo bilaabay safka hore xiddiga Yildiz, isagoo dhaliyay, seddex gool, waxaana uu gacan ka geystay labo caawin 12 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay wargayska Caught Offside,labada koox ee kala ah Arsenal iyo Liverpool ayaa waxa ay isha ku hayaan Yildiz, iyaga oo damacsan
inay lasoo wareegaan mustaqbalka dhow.
Iyadoo Gunners ay dooneyso inay la soo wareegto ciyaaryahanka si uu ugu noqdo beddelka labaad ee Bukayo Saka, halka Reds ay u aqoonsatay bedelka Mohamed Salah.
Kahor inta uusan kusoo bilaaban 10-ka mid ah 12-kii kulan ee uu saftay ololahan, Yildiz waxa uu ka soo muuqday 32 kulan oo uu u saftay Juventus xilli ciyaareedkii hore.
Bartilmaameedka kooxaha Arsenal iyo Liverpool ee Yildiz ayaa ku biiray Juventus isaga oo kaga soo dhaqaaqay Bayern Munich xagaagii 2022. Waxa uu toban sano ku qaatay da’yarta kooxda Bundesliga kadib markii uu ka yimid kooxda ka dhisan gobolka Bavaria ee Jahn Regensburg.
19-sano jirkan ayaa waxaa si weyn u amaanay nacalimiinta Motta iyo Massimiliano Allegri, halka Soykan Basar, oo ah agaasimaha farsamada kooxda Turkiga ee U19, uu dhawaan yiri: “Kenan wuu ka tayo badan yahay Cristiano Ronaldo farsamada uu kubadda lugaha ku hayo. Wuu ka sarreeyaa xiddiga Portuguese-ka ee Ronaldo.