Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay mudnaanta siin doonta saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Mohammed Kudus si uu ugu noqodo bedelka mustaqbalka fog ee Mohamed Salah, iyadoo West Ham United ay ku qiimeyneyso 100 milyan euro.
Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay majaaladda Isbaanishka kasoo baxda ee Fichajes, Mohammed Kudus ayaa bartilmaamayd wayn u ah Liverpool, iyaga oo doonaaya inay beddel uga dhigan Mohamed Salah oo lagu wado inuu ka tago xili ciyaareedka dambe Anfield.
Dhanka kale, Hammers ayaa ku dooneysa ku dhawaad 100 milyan oo Yuuro si ay ugu fasaxaan xiddiga heerka caalami ee dalka Ghana.
Ciyaaryahanka heerka caalami dalka Masar ee Salah ayaa galay 12-kii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa kooxda Merseyside, waxaana wali aan muuqan heshiis labada dhinac ah.
Mohammed Kudus iyo saameyntiisa West Ham
Mohammed Kudus ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican ee Premier League tan iyo markii uu West Ham United kaga soo biiray Ajax bishii Agoosto 2023.
Ciyaaryahanka heerka caalami dalka Ghana ee Mohamed Kudus ayaa jira bandhig wacan illi ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda Bariga London, isagoo haatan uu noqday mid kamid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay qaaradda Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, 24-sano jirkaan ayaa u soo muuqday bartilmaameedka koowaad ee Liverpool si ay ugu bedelaan Salah suuqa xagaaga 2025.
Kooxaha Saudi Pro League ayaa doonaaya inay kusoo jiitaan lacago badan weeraryahanka reer Ghana iyo kooxda West Ham ee Mohamed Kudus xagaagasoo socda.
Dhanka kale, Liverpool ayaa noqon doonta mid ka mid ah kooxaha doonaya suuqa kala iibsiga xagaaga 2025.