Kooxaha West Ham United iyo Manchester United ayaa doonaya inay dib ugu soo laabtaan kala sareynta horyaalka Premier League marka ay ku kulmaan garoonka London Stadium Axada.
Kulankan ayaa soo dhacaya galabta 17:00 wuxuuna ku dhex mari doono kooxaha West Ham iyo Man United gigada caanka ah ee London Stadium ay ku ciyaarto West Ham.
Xogta: Kulanka
Tartanka: Premier League.
Wareegiisa: 9-aad
Garoonka: London Stadium 🏟
Garsooraha: David Coote: England 🏴
Xaqiiqoyinka Kulanka
●West Ham United ayaa dooneysa inay badiso seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay gurigeeda kula ciyaarto Manchester United markii ugu horeysay tan iyo afar kulan oo isku xigta intii u dhaxeysay 1974 iyo 1977.
●Kooxda martida ah ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee is arkaan kooxahaan.
●West Ham United ayaa doonaysa in ay ku badiso kulamo xiriir ah oo Premier League ah oo ay ku ciyaarto garoonka London Stadium markii ugu horaysay tan iyo bishii December ee la soo dhaafay.
●Kooxda Ten Hag ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay ku ciyaareen London (5-bar-baro iyo 10-guuldaro), labada kulan waxa ay la ciyaareen Fulham.
●Manchester United ayaa dooneysa inay shabaqeeda ilaashato marki afaraad oo xiriir ah meel ka baxsan garoonkeeda Premier League markii ugu horeysay tan iyo July 2020.
●Red Devils ayaa kaliya badisay labo ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay ku ciyaareen London (5 bar-baro iyo 10 guuldarro), labada kulan waxa ay la ciyaareen Fulham.
●West Ham United ayaa laga dhaliyay sagaal gool qeybtii hore ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan; Kaliya Wolverhampton Wanderers iyo Southampton ayaa ogolaatay in ka badan.
●Bruno Fernandes ayaa ka horyimid West Ham United 12 jeer tartamada oo dhan Manchester United laakiin waligiis wax gool ah kama dhalin. Waxa uu haatan ku jiraa 16 kulan oo gool la’aan ah tartamada oo dhan.
Shaxaha Macquulka Ah.
West Ham United possible starting lineup:
Areola; Wan-Bissaka, Mavropanos, Kilman, Emerson; Alvarez; Bowen, Paqueta, Soucek, Summerville; iyo Antonio.
Manchester United possible starting lineup:
Onana; Mazraoui, De Ligt, Evans, Martinez; Eriksen, Casemiro; Rashford, Fernandes, Garnacho; iyo Hojlund.