Kooxda heysata horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo 30 jirka daafaca uga ciyaara Al-Nass Aymeric Laporte suuqa kala iibsiga xagaaga 2025.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay jariirada Isbaanishka ee AS, Aymeric Laporte ayaa weli xiisenaysa inay gacanka ku dhigto xididga reer Spain iyo kooxda Al Nassr ee Laporte.
Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa ka fikiraysay saxiixa daafaca Al-Nassr suuqii xaggaaga kahor inta uusan xirmin suuqa hasa ahaatee waa ay ku fashilmeen saxxiixiisa.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay ku soo laabtaan dalab suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda oo ay ku doonayaan 30-jirka ku guuleystay UEFA Euro 2024.
Aymeric Laporte iyo xaaladihiisii ugu dambeeyay
Aymeric Laporte ayaa ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Saudi Pro League tan iyo markii uu Al-Nassr kaga soo biiray Manchester City bishii Agoosto 2023.
Inkasta oo tallaabadaas ay dad badan ka yaabisay, iyadoo loo tixgelinayo in Spanish-ku uu weli ku jiro heerkii ugu sarreeyay ee awoodiisa, si fiican ayuuna iga soo dhalaalay shaqadiisa heer naadi iyo xul intaba 15 bilood ee la soo dhaafay.
30-sano jirkan ayaa doorkiisa ka ciyaaray markii Spain ay ku guuleysatay koobka UEFA Euro 2024 xagaagii, iyagoo ku garaacay England finalkii.
Dhanka kale, Laporte waxa uu ilaa hadda uu kasoo muuqday in ka badan 50 jeer oo kooxda Al-Nassr ah isagoo u dhaliyay todobo gool iyo hal caawin.
Xiddiga reer Spain ayaa gali doona 12-ka bilood ee ugu dambeeya heshiiskiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga 2025-ka.
Real Madrid ayaa ka fikirtay saxiixa Aymeric Laporte suuqii xaggaaga ka hor inta aysan ku fashilmin kooxda reer Spain ee Madrid.
Xiddiga reer Spain ee Laporte ayaa waxa uu diyaar u ahaa in uu joojiyo qandaraaska uu kula jiro Al-Nassr si uu ugu biiro kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga xagaagii hore.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa go’aansatay inay ka soo horjeedo saxiixiisa.