Waa mid ka mid ah kulamada ugu waaweyn ee jadwalka kubbadda cagta ayaa ka dhici doona qalcadda Santiago Bernabeu caawa oo Sabti ah, iyadoo Real Madrid ku soo dhawaynayso Barcelona kulanka El Clasico.
Mucaashaqiinta kubadda cagta ayaa kala taageera kooxaha Real Madrid iyo Barcelona waa kulanka ugu xiisaha iyo xamaasadda badan ee kubadda cagta sido kalena waa kulanka ugu taageeraha badan.
Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan ahayd kooxda ugu cad cad ee horyaalka Spain, iyadoo kooxda Catalan ay hadda hoggaanka u hayso horyaalka La Liga, halka Real Madrid ay fadhiso kaalinta labaad, iyadoo saddex dhibcood ka hoosaysa kooxda ay xafiiltamaan ka hor kulankaan.
Los Blancos ayaan laga badinin horyaalka, waxayna hadda ku jirtaa kaalinta labaad iyadoo leh 24 dhibcood Tobankii kulan ee ay ciyaartay, waxayna guul gaartay 7-kulan iyo saddex barbaro.
Kooxda Carlo Ancelotti ayaa soo laabasho cajiib ah ka sameeyay kooxda Borussia Dortmund kulankoodii ugu dambeeyay. Ka dib markii lagu kala nastay 2-0 qeybtii labaad, waxay dhaliyeen shan gool iyaga oo ugu dambeen kaga adkaaday 5-2.
Blaugrana ayaa kulankaan ku soo galaysa iyaga oo niyada ku dhisanaaya kadib markii 4-1 ay kaga badiyeen Bayern Munich tartanka UEFA Champions League.
Barcelona ayaa inta badan ku dhibtoonaysay in ay guul ka gaadho kooxda reer Germany ee Bayern Munich,
hasa aahaatee shekadaasi waa ay soo afjareen, kooxda Hansi Flick ayaa kalsooni buuxda ku qabta in ay natiijada saxda ah ka heli doonto Real Madrid.
Ciyaartan ayaa ah mid muhiimad wayn leh ma,ahan tartanka horyaalka oo kaliya balse sidoo kale xusuusaha taariikhda waxa ay leedahay iyada oo Los Blancos aan laga badin 42-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka waxana ay bar-barayn kartaa rikoodhka Barcelona oo ah 43 guul marka ay Santiago Bernabeu ku badiso.
XAQIIQOOYINKA KULANKA.
●Kooxda Barcelona ayaa badisay mid kasta oo kamid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
●Dhanka kale, Real Madrid ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.
●Los Blancos ayaan laga badinin horyaalka xilli ciyaareedkan.
●Kooxda Carlo Ancelotti ayaa barbareyn karta rikodhka kooxda Catalan ee kulamada ugu badan aan laga badinin La Liga (43) guul ay ka gaaraan Clasico.
●Kooxda Hansi Flick ayaa heysata weerarka ugu fiican horyaalka iyagoo dhaliyay 33 gool 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.
●Los Blancos ayaa haatan guuldarro la’aan ah 42 kulan oo horyaalka La Liga ah, iyadoo guuldarradii ugu dambeysay ee tartankan ay kasoo gaartay Atletico Madrid bishii Sebtembar 2023, waxayna dooneysaa inay barbareyso rikoodhka guuldarro la’aanta abid ee Barcelona ee horyaalka Spain isbuucaan, taasoo dhacday. inta u dhaxaysa Abriil 2017 iyo May 2018.
●Los Blancos ayaa laba jeer horyaalka ka badisay Barcelona xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jirto 3-2 ay ku badisay Bernabeu, iyo sido kale 2-1 oo looga adkaaday Camp Nou kooxsa Barcelona.
●Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan,waxana ay doonaysaa in ay ka dhigto afar kulan oo xiriir ah.
●Natiijada ugu badan ee kulamada Real Madrid iyo FC Barcelona marka ay Real Madrid ku ciyaarayso gurigeeda ayaa ah 2-0. Shan kulan ayaa ku dhamaaday natiijadan.
●Labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa guulo xiriir ah gaaray 3 kulan
SHAXAHA MACQUULKA AH.
Safka macquulka ah ee Real Madrid:
Lunin; Vazquez, Militao, Rudiger, Mendy; Valverde, Tchouameni, Camavinga; Bellingham; Vinicius, iyo Mbappe.
Safka macquulka ah ee Barcelona:
Pena; Kounde, Cubarsi, I Martinez, Balde; Casado, Pedri; Yamal, Fermin, Raphinha; iyo Lewandowski.