Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kusii nagaado Manchester City si uu qandaraas cusub oo ugu sii saxiixo Man City oo kusii joogaayo Ethihad Stadium sida lagu sheegay warbixin.
Gooldhaliyaha reer Norway ayaa ku jira bandhig xili ciyaareedkan, iyada oo lala xiriirinaayay kooxaha reer Sapin ugu waa wayn ee Real Madrid iyo Barcelona midkood inuu ku biiri doono xili ciyaareedka dambe.
Warbaahinta Jarmalka ayaa dhawaan faahfaahin ka bixisay qorshaha mustaqbalka gog ee Haaland, taas oo daaha ka qaaday inuu ku riyoonayo u dhaqaaqista LaLiga.
Xiddigii hore ee Borussia Dortmund , kaas oo rekoodh ku jabinaya Man City, waxa uu wakhti badan la qaatay qoyskiisa Spain tan iyo yaraantiisii, hammigiisuna waa in uu ugu dambayn ka ciyaaro mid ka mid ah waddamada uu jecel yahay.
Runtii, waxay u muuqataa in Haaland uu weli sii joogi karo Man City sannado badan oo badan oo soo socda.
Sida laga soo xigtay warsidaha GIVEMESPORT, oo ku waramaya in Haaland uu aad ugu faraxsan yahay Etihad Stadium in uu diyaar u yahay in uu sii joogo waqti dheer.” Si kastaba ha ahaatee, go’aankiisa ugu dambeeya waxaa saameyn weyn ku yeelan doona mustaqbalka Pep Guardiola, haddii Guardiola uu sii joogo, Haaland sidoo kale waxay u badan tahay inuu sii joogo.