Weeraryahanka reer Poland ayaa labo gool u dhaliyay kooxdiisa La Blaugrana iyaga oo sii wata qaab ciyaareedkooda cajiibk ah kadib markii ay 5-1 ku xasuuqeen kooxda Sevilla, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga oo ka dhacay gigada Barcelona ee Estadi Olimpic Lluis.
Labo gool oo uu dhaliyay Lewandowski ayaa ka dhigtay 366 gool oo horyaalka ah, taasoo ka dhigeysa inuu kaalinta seddexaad ka galay liiska gooldhalinta ugu sareysa shanta horyaal ee ugu waa wayn ee qaaradda Yurub.
Xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ku biiray liiska labada xiddig ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo xagga gool-dhalinta isaga oo noqday xiddiga saddexaad ee ugu goolasha badan taariikhda shanta horyaal ee ugu sarreeya Yurub.
Kaliya waxaa ka horreeya Leonel Messi iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo ka goolal badan shanta horyaal ee ugu sarreeya Yurub.
Robert Lewandowski waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee dhaliyay 12 gool kadib 10-kiisa kulan ee ugu horreysa ee La Liga tan iyo Lionel Messi xilli ciyaareedkii 2019/20 (12 gool ).
Barcelona, ayaa kulankayda soo aadan waxay wajihi doonta Bayern Munich tartanka UEFA Champions League habeenka Arbacada, iyada oo markaasi seddex dhibcood ka sareysa Real Madrid oo ku jirta kaalinta labaad ee LaLiga.