Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin kooxaha loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karaan weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Randal Kolo Muani sanadka 2025.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa ugu dhaqaaqay Parc des Princes adduun dhan 95 milyan oo euro xagaagii hore, laakiin waxa uu hoos u dhacay tan iyo markii uu ku soo laabtay kooxda PSG macalin Luis Enrique.
Kolo Muani ayaa waxay saddex sano uga hadhsan tahay qandaraaskiisa PSG waxaana laga yaabaa inuu isaga hayaamo marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ee 2025, kadib markii uu boos joogta ah ka waayay kooxda uu hoggaamiyo macalin Enrique.
25 jirkan ayaa kaliya ku soo bilowday laba kulan oo Ligue 1 xilli ciyaareedkan inkasta oo uu wacdaro ka dhigay tartanka Nations League ee France, Kolo Muani ayaa loo diiwaan galiyay kaliya laba gool sagaal kulan oo PSG ah xilli ciyaareedkan 2024-25.
Xiddiga reer France ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu ka tagayo PSG isbuucyadii u dambeeyay, waxaana haatan la sheegay inuu u dhaqaaqi doono Premier League inay macquul tahay.
Sida laga soo xigtay TBR Football, PSG ayaa Kolo Muani u soo bandhigtay kooxaha sida, Arsenal, Aston Villa, Chelsea, Manchester City, Manchester United iyo Newcastle United iyagoo doonaya inay iska iibiyaan weeraryahanka France.
25 jirkaan ayaa dhaliyay 23 gool waxaana uu caawiyay 17 kale intii lagu jiray xili ciyaaredkiisa ee Eintracht Frankfurt, laakiin ma uusan awoodin inuu qaab ciyaareedkiisa ku soo bandhigo France, PSG ayaana rajeyneysa inuu xiiso weyn ka helo kooxo badan oo Premier League ah.