Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ee Cristiano Giuntoli ayaa albaabka ka xidhay suurtogalnimada uu ugu soo laaban karo kooxda ee Paul Pogba.
Pogba, oo qandaraas kula jira ilaa xagaaga 2026, ayaa xaq u leh inuu ku laabto Juventus bisha March 2025 kadib markii xayiraadda laga qaaday kiiska daroogada oo ahaa afar sano balse looga dhigay 18 bilood, waxaana uu dhawaan qirtay inuu si farxad leh u aqbali lahaa in mushahar dhimis lagu sameeyo si uu ugu ciyaaro Juventus mar kale.
Nasiib darro Pogba, Giuntoli ayaa hadda xaqiijiyay inuusan dib ugu soo laaban doonin kooxda iyadoo Juventus ay dooratay inay u dhaqaaqdo jiho kale.
“Mowqifkeenu wuu cad yahay, Pogba waxa uu ahaa ciyaaryahan weyn, waxa uu maqnaa muddo dheer, sannadkii hore waxa nalagu qasbay in aanu ciyaartoy kale maal-gelinno,” Giuntoli ayaa u sheegay DAZN.
“Marka hadda kooxdu waa u dhameystiran tahay sida ay tahay.”
Pogba iyo Juventus ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan joojinta qandaraaska xiddiga lacagta badan qaata ee reer France, iyadoo labada dhinac ay haatan aqbaleen bilow cusub oo ku aadan inay kala dhamaadaan.
Wararka ayaa soo jeedinaya in Pogba uu ku biiri karo Roberto De Zerbi Marseille hadii uu noqdo ciyaartoy xor ah, geesta kale waxa uu aadi karaa horyaalka Major League Soccer wuxuuna ku biiri karaa kooxda Los Angeles FC.