Hoggaamiyaasha horyaalka waddanka Spain Liga ee Barcelona ayaa waxay kusoo dhaween doonaan gurigooda Estadi Olimpic Lluis Companys, kooxda Sevilla kulan ka tirsan horyaalka Liga kulamada 10-aad.
Barcelona ayaa waxay doonaysa inay kulankan guul ay ka gaadhan Sevilla oo kamid ah kooxaha ugu dhibka badan La Liga.
Kooxda Hansi Flick ayaa hogaanka u haysa horyaalka La Liga iyaga oo 24 dhibcood ka helay sagaalkii kulan ee furitaanka xilli ciyaareedkan, halka Sevilla ay leedahay 12 dhibcood kadib markii ay ciyaartay sagaal kulan oo horyaalka ah, taas oo ka dhigan inay ku jiraan kaalinta 12aad.
Kooxda Barcelona ayaa 3-0 kaga badisay Alaves kulankii ugu dambeeyay,halka
Sevilla ay 1-0 kaga badisay Real Betis ciyaartii ugu dambeysay horyaalka.
Wararka kooxaha kahor kulanka.
Barcelona ayaa dhaawacyo kaga maqnaan doona Ter Stegen, López, Araújo, Bernal iyo Christensen, laakiin Gavi iyo Olmo ayaa qarka u saaran inay soo laabtaan.
Flick ayay u badan tahay inuu soo geliyo XI xoogan, inkastoo go’aanka uu weli yahay inuu ku soo bilowdo Casado iyo Eric García oo khadka dhexe ah ama uu doorto Pablo Torre.
XAQIIQOOYINKA KULANKA.
●Barcelona waxa ay badisay 12-kamid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay (La Liga).
●Barcelona ayaanan laga badinin 21-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay gurigeeda kula ciyaartay Sevilla tartamada oo dhan.
●Barcelona waxa ay dhalisay ugu yaraan 2 gool 15-ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay (La Liga).
●Barcelona ayaa dhalisay 16 gool 5-tii kulan ee ugu dambeeyay
Shaxaha Macquulka Ah
Barcelona possible starting lineup:
Pena; Kounde, Cubarsi, I Martinez, Balde; Casado, E Garcia, Pedri; Yamal, Lewandowski, Raphinha
Sevilla possible starting lineup:
Nyland; Carmona, Bade, Salas, Pedrosa; Agoume, Gudelj; Lukebakio, Fernandez, Ejuke; Romero