Kooxda Real Madrid ayaa usafri doonto kulanka Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka waddanka Spain ee La Liga gaar ahaan kulmada 10-aad.
Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa kamid ah xiddigaha ugu fiican ee soo maray taariikhda Real Madrid.
Modric ayaa waxa uu ku soo bilowday seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay, waxaana uu sameeyay caawin kulankii ugu dambeeyay ee Villarreal.
Sidaas oo ay tahay, lama filaayo inuu ku soo bilowdo kulanka Celta Vigo oo soo dhici doono caawa 22:00-habeenimo xiliga geeska Africa
Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo badinayaa in Modric uu ka soo muuqan doono kulanka Celta Vigo islamarkaana uu sameen doono rikoodh cusub oo uu horray ug dhigay mid kamid ah halyeeyada soo maray ee Real Madrid.
Sida laga soo xigtay Cadena SER, Modric ayaa wuxuu dhaafi doonaa Ferenc Puskas (39-sano jir &36-malmood) isagoo ahaa ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee ka soo muuqday taariikhda kooxda Madrid.
Kulanka Celta Vigo waa fursaddiisa ugu horeysay ee Modric oo (39 jir 40-maalmood) uu ku jabiyo rikoodhka, xitaa haddii uusan ka soo muuqan Balaidos, waxaa lama huraan ah inuu ka soo muuqan doono kulamada kale ee soo aadan.
Rikoodh kale ayuu Modric ku lug-yeelan doono waana gooldhaliyaha ugu da’da weyn Real Madrid kaas oo sidoo kale heystay Puskas oo (39-sano jir 15-maalmood).