Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan daafaca kooxda RB Leipzig ee Castello Lukeba.
21-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Bundesliga ka dhisan.
Tan iyo markii uu ka yimid kooxda reer France ee Lyon xagaagii hore, daafaca dhexe xulka Faransiiska ayaa dhaliyay hal gool oo qura 49 kulan oo uu kasoo muuqday tartamada oo dhan.
Waxa uu kasoo muuqday sideed jeer tartamada xilli ciyaareedkan, isagoo kusoo bilaawday toddobo kamid ah
8-kulan.
Xiddiga reer France ee Lukeba ayaa kooxdiisa RB Leipzig kula jiro heshiis soconaaya ilaa sanadka 2028, wuxuuna xiiso ka helaaya kooxo waaweyn oo ka tirsan qaaradda Europe.
Sida laga soo xigtay wargayska Caught Offside, xiddiga reer France ayaa waxaa isha ku haaya kooxaha Blues, Los Blancos iyo sidoo kale Aston Villa oo ku daggalaamaya adeegiisa.
Waxa lagu soo waramayaa in lagu burburin karo 90 milyan oo euro, laakiin taasi waxa ay hoos ugu dhici doontaa 65 milyan oo euro xagaaga 2026, markaas oo laga yaabo inuu ka tago RB Leipzig.
Sida uu ku waramaayo Florian Plettenberg, oo ah wariye u shaqeeya Sky Sports Lukeba ayaa u muuqda inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa hadda.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Los Blancos ay sidoo kale dagaal ku jirto, Blues ayaa tartan kala kulmeysa adeega Lukeba, waxayna sidoo kale u badan tahay inay u baahdaan inay u dammaanad qaadaan ciyaarista kubada cagta UEFA Champions League si ay ugu soo jiidaan Stamford Bridge.