Ian Rush Oo Gareth Bale Kula Taliyay In Uu Ku Biiro Premier League Kooxa Hee Ayuu Kula Taliyey?

Halyeeyga reer Wales ee Ian Rush ayaa Gareth Bale kula taliyay in uu iska sii joogo kooxda Real Madrid inkasta oo ay dhaawacyo badan saameeyeen noloshiisa kooxda Real Madrid.

Bale ayaa dhaawac ku maqan tan iyo 26-kii bishii september markii uu dhaawac ka soo gaaray kulan champions league oo ay la ciyaarayeen kooxda Borussia Dortmund.

Dhawaciisa ayaa keentay in uu Isco kala boxo booska joogtada ah tan iyo finalkii champions league xilli ciyaareedkii hore halka uu Marco Asensio sidoo kale booska ku haysto.

Laakiin halyeeyga Liverpool iyo Wales ayaa aaminsan in uu Bale ku faa,iidii doono joogista kooxda Real Madrid mar kalena awoodiisii ciyaareed heli doono.

Bale waa xiddig cajiib ah, koox walba oo adduunka ah ayaa doonaysa”ayuu Rush u sheegay Mirror.

“Ka wales ahaan waxa aan djecelahay in uu sii joogo Real Madrid si uu u soo helo khibrad fiican.

Wararka la isla dhex barayo ayaa sheegaya in uu xiddigan ku soo laaban doono Tottenham arin la xiriirta heshiiskii uu kooxda ugu soo biiray laakiin Rush ayaa aaminsan in uu ku rajo weyn yahay in uu ku biiro Liverpool si uu u maro wadadiisii.

“Waxa lafa yaabaa in ay Tottenham leedahay fursada ugu horaysay si ay Premier league ugu soo celiso”ayuu Rush ku daray.

“Man United ayaa hadal haysay malaha De Gea ayay is weydaarsan doonaan”.

“Waxa aan jeclaan lahaa in uu ku biiro Liverpool, Xiddig cajiib ah, ma garanayo wixii dhici kara laakiin waa cajiib in uu ku soo laabto premier league iyo Liverpool”.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)