Rio Ferdinand: ”Pogba canaan ayuu u baahan yahay si uu u helo qaab ciyaareed wanaagsan”

Difaacii hore ee kooxda Man United Rio Ferdinand ayaa tilmaamay in Poul Pogba u baahan yahay canaan iyo inla tuso shaqada looba baahan yahay si uu u helo hab ciyaareed-kiisi ilqabadka lahaa ee dunida tusay markii uu joogay Juventus.

Halyeygan ayaa aaminsan iney Pogba caawin jirtay dhiiri-gelinta xiddigihii ruug caddaayada ahaa ee uu ka garab ciyaarayey markuu joogay Juventus hadana uu keliya u baahan yahay wax gedaal ka riixa.

“In loo tilmaamo booskiisa ayaa qeyb weyn ka ah dhibaatado, haddii aan gadaashiis ka ciyaari lahaa mar walba ayaan ku qeylin lahaa. Waxa uu i dhibsan lahaa sababtoo ah waxaan ku cadaadin lahaa inuu dhan walba u dhaqaaqo”Ayu yiri Ferdinand.

“Wuxuu u baahan taas, Juventus taas ayuu ku heystay laakiin halkaan ma jirto cid gadaal ka soo riix

Captian-kii hore ee Man United oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waa inaad mar walba ahaato mid diyaarsan oo xamaasadeysan islamarkaana aad diyaar u tahay inaad kubada la difaacato kooxdaada, taas ayaana ka maqan isbuucyadii u danbeysay. Wuxuu Juventus ku heystay Bonucci, Chiellini, Buffon, halkaan ma jirto cid xiriir la sameyneysa, mana jiro wax dalabyo ah oo loo dirayo.”

Hab ciyaareedka xiddiga reer France ayaa asbuucyadii dhowaa hoos u dhac ku yimid, waxana sidoo kale xumaaday xiriirka kala dhexeeya tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho, kaa oo dhowr kulan oo is xigay keydka kusoo bilaabay xiddigan.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)