Muxuu goolhaye David De Gea ka samayey kulankii Man United iyo Sevilla

Kooxaha Manchester United iyo Sevilla oo wada ciyaaray kulan katirsan koobka horyaallada Yurub ee Champions League ayaa barbarro goolal la’aan ah isla dhaafi waayey.

Goolhayaha reer Spain ee shabaqa u ilaaliya kooxda Manchester United ayaa kulankii xalay wacdaro la yaableh ka dhigay isagoo Man United ka badbaadiyey goolal daad ah oo ayku mari lahayd kooxda reer Spain. De gea ayaa samayey badbaadinno cajiib ah oo qaar-kood aan horay garoomada loogu arag wuxuuna weerarka kooxda Sevilla ka cirib tiray iney taabtaan shabaqa uu horjoogaha ka yahay.

De gea ayaa qaatay laacibka garoonka kulankaas, wuxuuna samayey 8-badbaadin oo cajiib ah, isagoo goolal badan ka badbaadiyey xiddiga da’yar ah ee lagu magacaabo Joaquin Correa kaa oo weerarka uga ciyaara kooxda Sevilla.

Jose Mourinho ayaa kulankan keydka kusoo bilaabay xiddiga Paul Pogba oo laf dhabar u ahaa khadka dhexe ee kooxda Man United, balse kadib markii dhaawac garoonka looga saaray xiddiga Ander Herrera ayaa keydka looga yeeray laacibka reer France oo waayahan uusan wanaagsanayn xiriirka kala dhexeeya Mourinho.

Sevilla oo ka badbaadey in gurigeeda goolal looga dhaliyo ayaa lugta labaad Old Trafford booqan doonta iyadoo rajeynaysa iney halkaas goolal ku dhaliso islarmakana kasoo baxdo Man UTD, balse Mourinho ayaa isna qorshaynaya khidaddii uu ku dhaafi lahaa Sevilla.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)