Ronaldo iyo Navas oo seegaya kulanka Legenes maxay tahay sababtu..?

Weerar-yahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo gool-walaha kooxdaas Keylor Navas ayaa seegaya kulanka caawa ee kooxda Real Madrid u martiyeyso kooxda Leganes. Real Madrid ayaa gurigeeda Estadio Butarque ku booqanaysa kooxda Legenes, waxana tababaraha reer France Zinedine Zidane shaxdiisa ka reebay CR7 iyo goolhaye Keylor Navas, kuwaa oo la rumaysan yahay inla nasiyey.

Wargeyska MARCA ayaa sheegaya in Zidane wuu xiddigahan nasiyey maadama ay qayb-ka hayeen kooxdii dhowaan wajahday kooxda PSG, ismarkana maalmo yar kadib ay lugta labaad ku wajihi doonaan kooxda reer France.

Tababare Zidane ayaa shaaciyey shaxda 18-ciyaartoy oo uu ku wajahayo caawa kooxda Leganes, waxana shaxdan kasoo muuqday xiddigo badan oo doorashada labaad ah, kuwaas oo fursad u haysta iney buuxiyaan boosaska ayka maqan yihiin, Marcelo, Luka Modric iyo Toni Kroos oo kulankan dhaawac ku seegaya iyo sidoo kale bosaska Ronaldo oo iyana nasniin kulankan ku seegaya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)