Ronaldo iyo Real Madrid oo dhulka ku jiidey Real Sociedad

Kooxda Kubada cagta Real Madrid ayaa Gaartay Guul weyn kadib markii ay sixun u Garaaceen Kooxda Real Sociedad waxayna kaga badiyeen 5-2.

Goolasha Real Madrid 3 ka mid ah waxaa shaabadiisa saaray Weeraryahanka sare ee dalka Portugal Cristiano Ronaldo waxaana uu Noqdey Cayaaryahanka ugu Goolasha badan qaybta labaad ee Horyaalka Spain markii uu dhaliyey 6 Gool.

Real Madrid oo Arbacada la balansan kooxda PSG ayaa soo bandhigtay bandhig Cajiib ah iyaga oo si walba kaga gacan sareeyey Real Sociedad oo marti u ahayd.

Fikradaha Akhristayaasha (0)