Waa tee kooxda xaqiijisay inay Arda Turan la wareegeyso Khamiista ama Jimcaha?

Kooxda kubadda cagta Istanbul Basaksehir ee dalka Turkiga ayaa xaqiijisay inay ku dhow dahay inay dhammaystirto saxiixa laacibka Barcelona ee Arda Turan.

Isagoo saxaafadda la hadlayey tababaraha kooxda Istanbul Basaksehir ee Abdullah Avci ayaa xaqiijiyay in heshiiskiisa lagu dhawaaqi doono maalaha Khamiista ama Jimcaha ee barri ama saadambe dambe.

Kaddib markii uu boos joogto ah ka waayey kooxda Barcelona Arda Turan ayaa ku qasbanaaday inuu isaga tago garoonka Camp Nou.

Kooxda ka dhisan Turkiga ee Istanbul Basaksehir ayaa hadda xaqiijisay inay saxiixa xiddigan 30-sano jirka ah kaga adkaatay dhamaad kooxihii doonayey.

“La soo wareegidda Arda waxaa lagu dhawaaqi doonaa Khamiista ama Jimcaha, saxiixiisu ma ahayn mid fudud.” ayuu yiri tababaraha kooxda Istanbul Basaksehir ee Abdullah Avci.

“Arda wuxuu diiradda noo saarnaa sanado badan, waxaan saxiixiisa uga mahadcelinayaa Madaxwaynaha kooxda.”

Fikradaha Akhristayaasha (0)