SUUQA KALA IIBSIGA: Wargeysyada Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga- Maxaa Ka Cusub Kooxdaada?

Suuqa Kala Iibisga January ayaa furan maalintii saddexad, iyadoo kooxaha waaweyn dalabyo ay u dirayaan ciyaartooy muddo diirada u saarneyd.

Wargeysyada waaweyn ee dunida ayaa maanta oo talaado ah wax ka qoray xaalada suuqa kala iibsiga iyo xanta kooxaha ugu weyn shanta horyaal ee ugu sarreysa Yurub.

Kubadsameeyaha Liverpool Philippe Coutinho ayaa la aaminsan inuu ciyaaray kulankiisii ​​ugu dambeyay kooxda Liverpool, isagoo dalab rasmi ah ka heysta kooxda Barcelona (The Times)

Liverpool waa inay lasoo saxiixato Alexis Sanchez oo 29 sanno jir ah, haddii ay iibinayaan Phillippe Coutinho sida laga soo xigtay weeraryahankii hore ee Reds John Aldridge. (Independent)

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa albaabka u furay inuu iibiyo weeraryahanka Chile Sanchez (Mirror)

Xiddiga RB Leipzig Naby Keita ayaa qarka u saaran inuu sii joogo kooxda Jarmalka inta ka harsan xilli ciyaareedkan, iyadoo 22 jirkaan khadka dhexe ee Guinea la filayo inuu sugo ilaa xagaaga soo aadan  (Liverpool Echo)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay £ 50m kula soo wareegto daafaca dambeedka bidix ee kooxda Juventus Alex Sandro oo 26 sanno jir ah. (Daily Mirror)

Tababaraha Blues Antonio Conte ayaa ka quustay wadahadalka daafaca 33 jirka ah ee Italy Giorgio Chiellini. (Daily Mail)

Fenerbahce ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud oo 31 jir ah bishaan, Wararka ka imaanaya Turkiga ayaa sheegaya in Giroud  noqon doono bedelka Robin Van Persie. (Telegraph)

West Ham ayaa weli xiiso u qabta saxiixa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Stoke City iyo Wales Joe Allen oo 27 sanno jir ah. (Sky Sports)

Manchester United uma baahna inay la soo saxiixato qof walba intii uu suuqa kala iibsiga furan yahay, sida uu sheegay tababarihii hore ee Premier League Steve McClaren. (Sky Sports & Daily Star)

Wakiilka daafaca dambeedka midig ee kooxda Manchester United Matteo Darmian ayaa xaqiijiyay in kooxo badan oo Talyaani ah ay la soo xiriireen 28 sanno jirka daafaca bidix ee Italy (Manchester Evening News)

Everton ayaa isku dayi doonta inay dhameystirto saxiixa weeraryahanka Besiktas iyo Turkiga Cenk Tosun oo 26 jir ah (Guardian)

Southampton, Everton, Crystal Palace iyo West Ham ayaa dhamaantood doonaya inay lasoo saxiixdaan Nicolas Gaitan oo u ciyaara kooxda Atletico Madrid. (AS via Daily Express)

Newcastle ayaa u sheegtay 28 jirka khadka dhexe ee Jack Colback iyo daafaca midig ee Jamie Sterry oo 22 jir ah inay ka tagi karaan St James Park. (Mirror)

Weeraryahanka dhalinyarada ah ee kooxda Arsenal Stephy Mavididi oo 19 jir ah ayaa doonaya inuu amaah ugu biiro Charlton. (ESPN)

Fikradaha Akhristayaasha (0)