Manchester City oo wadadii guulaha kusoo laabatay, Aguero oo shabaqa gaaray & Watford oo dhibtooneysa.

Manchester City ayaa dib ugu soo laabatay wadadii guulaha kadib markii ay 3-1 ku dhufteen wiilasha Marco Silva ee Watford, waxeyna ka dhigan tahay iney adkaadeen kulankii 20-aad ee xilli ciyaareedkaan.

Citizens mar kale ayey libin heleen, waxeyna ka fogaadeen kooxda kaalinta labaad ee Man United 15-dhibcood, sidoo kalana waxey 17-dhibcodo ka fog yahiin Blues oo habeen dambe ciyaari doonta.

GOAL: Daqiiqadii 1-aad: Raheem Sterling ayaa dhaliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan, kubad u baahan in goolka lagu aadiyo ayuuna dhameystiray oo uu kasoo shaqeeyay Leroy Sane.

BADBAADO: Daqiiqadii 8-aad: Gray ayaa laga caawiyay bartamaha garoonka, Stones ayaa ku fashilmay inuu kubada ka hor istaago, si fiican ayuu goolka ula galay balse kubadii uu goolka aadiyay Ederson ayaa ka badbaadiyay.

GOAL: Daqiiqadii 13-aad: Citizen ayaa hogaanka dheereysatay markii Christian Kabasele uu shabaqiisa kubad ku leexiyay, Kevin de Bruyne ayaa kasoo shaqeeyay waxaana si fudud u dhameystiri lahaa Aguero.

HALIS: Daqiiqadii 17-aad: Kevin de Bruyne ayaa ku dhawaaday inuu gool sadexaad u dhaliyo kooxdiisa, markii uu laad xor ah birta ku dhuftay, si qurux badan ayuu u agaasimay.

BADBAADO: Daqiiqadii 28-aad: Doucoure ayaa sameeyay caawinaad fiican, balse kubadii uu Gray goolka aadiyay Ederson ayaa badbaadiyay.

Qeybtii hore ciyaarta waxey ku dhamaatay 2-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda martida loo ahaa, balse qeybtii labaad halkeedii ayey kasii bilowday Citizens iney cadaadis saarto goolka kooxda kasoo horjeeda.

GOAL: Daqiiqadii 63-aad: Sergio Aguero ayaa si sahlan u dhameystiray kubad uu si sahlan meel aan ka fogeyn u dhigtay goolhaye Gomes.

HALIS: Daqiiqadii 76-aad: De Bruyne ayaa kubad hal iyo labo ah la ciyaaray Sane ka hor inta uusan goolka beegsan, balse daafac ayaa ka saaray.

GOAL: Daqiiqadii 83-aad:  Gray ayaa dhameystiray kubad loo soo dhaafiyay goolhayaha oo ka timid Pereya, wuxuu ahaa gool niyad soo celin ah.

BADBAADO: Daqiiqadii 89-aad: Raheem Sterling ayaa kubad lagu siiyay xerada ganaaxa, balse kubadii uu goolka aadiyay Gomes ayaa ka badbaadiyay.

Natiijada ciyaarta waxey ku dhamaatay 3-1, oo ay guusha ku raacday Manchester City, waxaana wali socda rikoorkii guuldaro la’aanta wiilasha Pep Guardiola.

Fikradaha Akhristayaasha (0)