Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Arsenal v Chelsea- London Derby Oo Dhacaya Xili Gunners Dhibaato Kujirto

Arsenal ayaa martigelin doonta Chelsea kulan ka tirsan Premier League caawa oo Arbaca ah, iyagoo isku dayaya inay dib ugu soo kabsadaan barbarihii 1-1 oo ay la galeen kooxda West Brom.

Tababare Arsene Wenger iyo ciyaartoydiisa ayaa ka carooday garsoore Mike Dean kaasoo ku ciqaabay Calum Chambers kubad gacanta kaga dhacday dhamaadkii ciyaarta.

Dhacdadan ayaa waxay keentay in tababare Wenger eedeyn usoo jeediyo heerka garsoorayaasha FA-ga Ingiriiska.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Emirates Stadium

SAACADA: 10: 45 PM

MAXAA CUSUB?

Labada ciyaaryahan ee Arsenal Mesut Ozil iyo Laurent Koscielny ayaa ka maqan kulankaan dib markii ay la kulmeen dhaawacyo kulankii ugu dambeeyay.

Koscielny ayaa lagu qiimeeyay 30% xaalada uu ku ciyari karo, halka Ozil uu ku dhow yahay inuu kasoo kabsado dhaawac jilibka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Sead Kolasinac ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo labo isbuuc ah ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii West Brom ee axadii.

Aaron Ramsey, Olivier Giroud iyo daafaca Nacho Monreal ayaa dhamaantood dhaawac kaga maqan ciyaarta Chelsea.

daafaca lagu magcaabo David Luiz iyo weeraryahanka Charly Musonda ayaa weli baaqi kusii ahaan doono qolka dhaawacyada kooxda Chelsea.

Labada kooxood ayaa kusoo laabtay tababarka kadib markii saacado kooban ay ku qaateen fasaxa sannadka cusub.

XAQIIQADA KULANKA

Arsenal ayaa ku badisay 3-0 markii ay kulmeen labada koox xilli ciyaareedkii hore, waxay waqtigaas soo gabagabeeyeen shan kulan oo guul la’aan ah oo ay ka heysteeen Blues.

Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato 7 kulan oo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeyay oo ay ka horyimaadeen Chelsea Premier League.

Waxaa jira lix kaar oo casaan ah oo laga bixiyay todobadii kulan ee ugu dambeysay labadaan koox ku kulmeen tartamada oo dhan, iyadoo Chelsea loo taagay seddexdii kulan ee ugu dambeysay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)