Cristiano Ronaldo Oo Doonaya Ku Biirista Chelsea, Navas Oo Shalaay Taagan & Xiddig Serie B Ka Ciyaara Oo Iska Diiday Madrid

Wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga kooxda Real Madrid ayaa si weyn looga faaloonayaa maalinta saddexaad ee uu furan yahay suuqa Janaayo.

Wargeyska Express Sport ayaan kasoo xigan doonaa dhamaan wararkii ugu dambeeyay ee xanta suuqa kala iibsiga kooxda ku ciyaarta garoonka Bernabeu.

Xiddiga Real Madrid goolka u qbata ee Keylor Navas ayaa weli ka careysan in Manchester United loo diiday in laga iibiyo laba sano iyo bar ka hor.

Goolhayah Costa Rica waxa uu ku dhawaaday inuu ka qeyb noqdo heshiiskii Bernabeu ku imaan lahaa goolhayaha reer Spain ee kooxda Manchester United David De Gea.

Laakiin heshiiska wuxuu fashilmay daqiiqadihii ugu dambeeyay suuqa sabab la xiriiray waraaqaha aqoonsiga heshiiska oo aan la isku raacin.

Wargeyska El Confidencial ayaa sheegaya maanta oo arbaco ah in Navas uu weli ka qoomameynayo fursadii uu ku seegay ku biirista kooxda Manchester United.

Dhibaatada Weerarka Real Madrid

Real Madrid ayaa laga yaabaa inay seegto weeraryahanka kooxda Wolves Rafa Mir, sida laga soo xigtay wargeysyada waaweyn ee kasoo baxa dalka Spain.

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Bernabeu xagaagii lasoo dhaafay, laakiin Valencia oo iska leh milki ahaan ayaa diiday inay iska iibiso.

Si kastaba ha ahaatee, The Express iyo Star ayaa sheegaya in Wolves ay kaga horeyso Real Madrid heshiiska weeraryahanka lagu magcaabo Mir.

Zidane oo doonaya labada ciyaaryahan oo katirsan Chelsea

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa la sheegay inuusan dooneynin kaliya Eden Hazard, laakiin sidookale wuxuu indhaha ku hayo saaxiibkiisa kooxda N’Golo Kante.

Macalinka reer France ayaa xilli ciyaareed xun kujira, iyadoo qaab ciyaareedkoodii ugu liitay La Liga kay u bilowday kooxda Zidane.

Hazard ayaa muddo dheer lala xiriirinayay Real Madrid, iyadoo loo arko inuu yahay bedelka Cristiano Ronaldo, laakiin El Confidencial ayaa shaaca ka qaaday in tababare Zidane sidookale uu doonayo saxiixa Kante.

Ronaldo oo doonaya inuu ku laabto Premier League

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa aad ugu baahan inuu ku laabto Premier League, isagoo ku biiraya midkood kooxaha Manchester United ama Chelsea.

Sida laga soo xigtay Diario Gol, ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Portugal ayaa ka tagi kara garoonka Bernabeu bilowga bishaan Janaayo.

Ronaldo ayaa sida muuqata ku faraxsaneyn Real Madrid tan iyo markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta lunsiga canshuurta dowladda Spain.

Waxa uu isha ku hayaa inuu dib ugu laabto England, isagoo ku biiri kara midkood Manchester United ama kooxda ay xafiltamaan ee Chelsea.

Fikradaha Akhristayaasha (0)