Xiddig Katirsan Chelsea Oo Heshiis Shaqsi Ah La Meel Dhigay Kooxda Real Madrid- Ma Ahan Hazard

Goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis la gaaray kooxda Real Madrid, isagoo u dhaqaaqi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu isaga tagayo Stamford Bridge, Real ayaana raadineysa saxiixa goolhaye cusub.

Keylor Navas ayaa la filayaa inuu ka tago xagaagan kooxda Real Madrid ee ka dhisan La Liga, waxaana ay Madrid bedelkiisa ka dhigeysaa goolhayaha koowaad ee Blues.

Ka dib markii ay ka quusteen saxiixa goolhayaha Manchester United David de Gea, sida uu daabacayo wargeyska Spain ee Diario Goal, Courtois ayaa ah dooqa koowaad ee kooxda Los Blangos.

Waxaa wargeysku uu shaaca ka qaaday warbixin sir ah oo uu ku sheegayo in 25 jirkaan haatan heshiis la gaaray kooxda Los Blancos, isagoo u dhaqaaqi doona Bernabeu dhamaadka xagaagan.

Ciyaaryahankii hore ee Atletico Madrid ayaa qandaraaska uu kula joogo Blues waxa uu ku egyahay sannadka 2019, laakiin Antonio Conte ayaa doonaya inuu qandaraas cusub ka saxiixo goolhayaha Belgium.

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah sababaha loo maleynayo inuu dib ugu laabanayo caasimada Spain goolhaha Chelsea ayaa ah in qoyskiisa weli ay dagan yihiin magaalada Madrid.

Fikradaha Akhristayaasha (0)