Mane iyo Salax oo Afrika imanaya ka hor Merseyside Derby

Xiddiaga Reer Afrika ee Kooxda Liverpool Saido Mane iyo Maxamed Salax ayaa tagaya Dalka Ghana halkaas oo ay uga qeybgelayaan xafladda laacibka Sanadka ee Afrika.

Xiddigahan waxaa diyaarad gaar ah u kireysay Kooxda Liverpool,waxaana ay wadaha ku sii jirayaa 6 Saacadood oo sii socod ah iyo lix kale oo soo socod ah.

Labada Xiddig ayaa ku casuuman xafladda dhaceysa Khamiista soo socota waxaana ay Jimcaha la ciyaari doonaan Kooxda Everton kulan ka tirsan FA Cupka England.

 

Liverpool tababarahooda waxaa uu sheegay in safarka labad xiddig uusan saameyneyn kulanka islamarkaana ay ciyaari karaan Jimcaha marka ay ka soo laabtaan safar masaafo ahaan gaaraya 6,000 oo Maayl.

Mane ayaa xalay Goolkiisii ugu horreeyay dhaliyay tan iyo November 2017 waxaana uu xalay ka dhaliyay Kooxda Burnley oo ay 2-1 dirqi ah uga badiyeen Kooxda Liverpool.

Klop ayaa sheegay in Liverpool ay heysato labo ka mid ah 3da ciyaaryahan ee ugu wanaagsan Qaaradda Afrika,sidaas darteedna ay xushmad ka mudanyihiin oo ay diyaaradda ugu kireeyeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)