Liverpool oo NIKE la tiigsaneysa Maxkamad!

Kooxda kubadda Cagta ee Liverpool ayaa shaacisay in ay Maxkamad la tiigsaneyso sharikadda sameysa dharka iyo kabaha Ciyaaraha ee NIKE.

Arrintan waxaa ay ka dhalatay kaddib markii Website-ka Sharikadda lagu arkay Maaliyadda Philippe Coutinho ee Barcelona,taas oo si aan ku talo gal ahayn u soo fakatay.

Kooxda Liverpool ayaa ku mayal adeegeysa saxiixa Coutinho ee Barcelona waxaana jirta in Barcelona ay dhpwr jeer isku dayday xiddigga Reer Brazil.

 

Wargeyska ESPN Brazil, ayaa qoray in kooxda Liverpool ay aad uga carootay dhaqanka NIKE ee Coutinho oo ku biiraya Barcelona kaas oo aan wali rasmi noqon,waxaana ay sheegtay in kaliya sharciga ku kala baxayaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)