Falanqeynta: Manchester City vs Watford. Guardiola oo Jahwareer Dhaawac soo wajahday

WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Manchester City vs Watford
Tartanka: Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Saacadda: 11:00 Habeenimo  Xiliga Geeska Africa
Garsoore: Lee Mason
WARKA LABADA KOOX
Manchester City waxey weyneysaa Gabriel Jesus halka Kevin de Bruyne shaki la galinayo, sidoo kale Pep Guaridola war kama hayo waqtiga uu soo laaban doono David Silva.
Vincent Kompany, Fabian Delph iyo John Stones ayaan wali kusoo laaban garoomada, halka Benjamin Mendy iyo Phil Foden ay dhaawacyo kala duwan ku jiraan qudhooda.
Dhanka kale Troy Deeney ayaa maqnaan doona waana kulankii ugu dambeeyay ganaaxa afarta kulan ee garka loo galiyay.
Kooxda waxaa dhaawacyo uga maqnaan doona: Will Hughes, Younes Kaboul, Miguel Britos, Craig Cathcart, Nathaniel Chalobah iyo Isaac Success.
XAQIIQDA KULANKA:
●Manchester City ayaa badisay 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay Watford la ciyaartay dhamaan tartamada oo dhan waxeyna isku cel-celis kaga badisay 24-3.
●Watford wey ku fashilantay iney shabaqa gaarto afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti u noqoto Citizens.
●Manchester City wax guuldaro ah kuma gudoomin 22-kulan oo horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay gurigeeda 17-guul iyo 5-barbaro. waana markii ugu dheereed tan iyo markii lasoo afjaray 37-kulan oo aan laga adkaan December 2012.

Fikradaha Akhristayaasha (0)