RASMI: Ashley Young Oo La Ganaaxay & Kulamada Uu Seegi Doono Oo La Shaaciyay

Daafaca Manchester United Ashley Young ayaa la ganaaxay seddex kulan ka dib markii uu aqbalay dacwadii ay kusoo ogeen xiriirka kubada cagta Ingariiska gelinkii dambe ee shalay.

Young oo 32 sanno jir ah ayaa u muuqday inuu weeraray Dusan Tadic oo ka tirsan kooxda Southampton, isagoo xusul kaga dhuftay caloosha kulankii barbaraha 0-0 labada koox ku galeen Old Trafford.

Dhacdadan ma uusan arkin garsooraha ciyaarta Craig Pawson, laakiin waxaa la xaqiijiyay markii dib loo daawaday Video-gii ciyaarta.

Young ayaa aqbalay eedeymaha lasoo jeediyay gelinkii dambe ee shalay, waxaana taas ay la micno tahay inuu wajaho ganaax seddexda kulan.

Waxa uu seegi doonaa kulanka United u safreyso caawa kooxda Everton, kulanka Jimcaha FA Cup wareegiisa 16ka ku wajahayaan United kooxda Derby, iyo kulanka horyaalka ee Stoke.

Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, Tadic wuxuu yiri: “Waxa uu i dul saaray xusulkiisa.

“Ma aanan fahmin runtii ujeedka Young, kama fileyn waxa dhacay isaga”ayuu hadalkiisa ku daray ciyaaryahanka kooxda Southampton Dusan Tadic.

Fikradaha Akhristayaasha (0)