Leon Goretzka Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Xagaagan- Ma Bayern Munich, Liverpool Ama Barcelona ?

LIVERPOOL iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ka quusteen saxiixa Leon Goretzka, kaasoo lagu soo waramayo inuu doortay ku biirista kooxda Bayern Munich.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Spain, xiddiga Schalke Goretzka ayaa doonaya inuu sii joogo horyalaka dalka Germany ee Bundusliga.

Labada kooxood ee Barcelona iyo Liverpool ayaa isha ku hayay xiddigaan, kaasoo loo arko mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan waqtigaan kubada cagta.

Qandaraaskiisa Schalke ayaa dhacaya xagaagan, taasoo la micno ah inuu beeca xorta ah ugu biiri karo kooxdii uu doono marka la gaaro dhamaadka xili ciyaareedkaan.

Sidoo kale waxaa looga iibsan karaa kooxda Schalke lacag £ 20million inta lagu jiro bisha Janaayo sida heshiiskiisa ku cad.

Labada koox ee Liverpool iyo Barcelona ayaa xiiseynayay heshiiska ciyaaryahanka Leon Goretzka, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu ka doortay kooxda Bayern Munich.

Liverpool Barcelona Bayern Leon Goretzka

Sida laga soo xigtay wargeyska Marca ee kasoo baxa dalka Spain, Bayern ayaa haatan ku guuleysatay tartanka loogu jiray 22 jirka reer Germany.

Wargeyska ayaa sheegay in Goretzka uu heshiis la gaaray Bayern, islamarkaana uu sii joogayo Schalke inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin kooxda heysata horyaalka Bundesliga.

Heshiiskaan ayaa dharbaaxo ku ah qorshaha Liverpool ku iibineyso Philippe Coutinho oo la filayo inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona xagaagan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)