Wargeysyada & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda- Yaa Imaanaya Kooxdaada?

ASWW, Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaan aqristayaasheena sharafta mudan meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay maalin wanaagsan.

Maalin kasta waxaad nooga barateen inaan idin soo gudbino xantii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga iyo wararka ugu waaweyn oo ay qoraan wargeysyada ka hadla ciyaaraha ee dunida.

Cristiano Ronaldo ayaa ka codsaday Real Madrid inay ku iibiso qiimo jaban oo ah 100 milyan oo euros (Marca)

Weeraryahanka Chelsea Eden Hazard oo 26 jir ah ayaan diidi doonin qandaraaska cusub eee kooxda heysata horyaalka Premier League, inkastoo aabbihiis uu shaaca ka qaaday inuu u dhaqaaqi karo Real Madrid. (Mail)

Antonio Conte ayaa sidoo kale isku diyaarinaya inuu dalab kale u diro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton Ross Barkley oo 24 jir ah. (Telegraph)

Manchester United ayaa indha indheyneysa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Napoli Jorginho oo 26 jir ah, kaasoo loo arko bedelka Michael Carrick. (Manchester Evening News)

West Ham ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle Jonjo Shelvey oo 25 jir ah, iyadoo David Moyes uu isku dayayo inuu xoojiyo khadkiisa dhexe. (Mirror)

Manchester City ayaa usoo bandhigtay heshiis cusub daafaca Nicolas Otamendi hoo 29 jir ah (ESPN)

Kooxda Pep Guardiola ayaa sidoo kale xiiseyneysa kabtanka West Brom Jonny Evans. Tababaraha kooxda Baggies Alan Pardew ayaa qiray in kooxdiisa ka fekereyso iibinta Evans (Mirror)

Inter Milan ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Henrikh Mkhitaryan, oo 28 jir ah. (Sky Sports)

Kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Bordeaux ayaa diiday dalab 31 milyan oo ginni ah oo ay Tottenham ku dooneysay 20 jirka weerarka uga ciyaara ee Malcom. (Asporte – Isbanish)

Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Southampton, laakiin waa in ay bixiyaan kaliya 25 milyan oo ginni. (Mirror)

Si kastaba ha ahaatee, Saints ayaa tartan kala kulmi doonta Stoke, oo dooneysa weeraryahanka caalamiga ah ee England. (Mail)

Liverpool ayaa lasoo saxiixaneysa kubadsameeyaha kooxda Schalke Leon Goretzka oo 22 jir ah xagaaga soo aadan. (Sun on Bild)

Juventus ayaa diyaar u ah inay qandaraas cusub la gasho xiddiga qadka dhexe ee Liverpool Emre Can oo 23 sanno jir ah (Corriere dello Sport )

Fikradaha Akhristayaasha (0)