HORDHAC: Manchester United vs Southampton- Red Devils Oo U Baahan Inay Ilaashato Booska Labaad Ee Premier League

Jose Mourinho waxaa ka maqnaan doona dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah kulanka caawa Southampton kusoo dhaweynayaan garoonka Old Trafford.

Ka dib markii ay gurigooda barbaro kula gashay Burnley maalintii ugu horeysay Boxing Day, United ayaa 15 dhibcood ka hooseysa kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.

Waa farqigii dhibo ee ugu badnaa u dhaxeeya labada koox ka dib 20 kulan oo laga ciyaaray horyaalka Ingariiska.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Old Trafford

SAACADA: 8:30 PM

MAXAA CUSUB?

Anthony Martial iyo Matteo Darmian ayaa labadoodaba kusoo laabtay tababarka Manchester United khamiistii kadib markii ay dhaawac ku seegeen kulankii Burnley, halka Chris Smalling iyo Antonio Valencia ay sidoo kale maqan yihiin.

Michael Carrick, Marouane Fellaini iyo Eric Baillyayaa dhamaan dhaawac ku seegaya kulanka caawa kooxdooda wajaheyso Southampton.

Daafaca Southampton Virgil van Dijk oo ku biiraya Liverpool 1da Janaayo, ayaan ciyaari doonin kulankaan, halka Charlie Austin diyaar uu yahaya kadib markii uu seegay saddexdii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa.

Ryan Bertrand oo qaba dhaawac muruqa ah ayaa wajahaya baaritaan waqti dheeraad ah, laakiin Cedric Soares ayaa diyaar u yahay kooxda uu hogaamiyo tababare Pellegrino.

XAQIIQADA KULANKA

Red Devils ayaa shabaqa ilaashatay seddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay la ciyaartay Southampton.

Southampton ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Old Trafford, ka dib markii laga badiyay 19kii kulan ee ka horeeyay.

Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyay afar gool laba kulan oo uu ka horyimid Southampton tartamada oo dhan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)