HORDHAC: Liverpool vs Leicester City- Reds Lagama Badin 11kii Kulan Ee Ugu Dambeeyay Premier League

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaan weli kaga maqan dhaawac, isagoo seegaya kulanka kooxdiisa la ciyaareyso Leicester City caawa.

Henderson ayaa seegay kulankii ugu horeeyay Boxing Day oo ay kooxdiisa ka badiyeen Swansea isagoo dhaawac jilibka ah qaba.

Liverpool oo aan laga badinin 11kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ayaa dooneysa in ay gaarto caawa rikoorkii 12 kulan ee guuldaro la’aan oo ay dameeyeen bishii March 2015-kii.

Liverpool ayaa dhalisay 75 gool 29 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, guud ahaan waa heerkoodii ugu sarreeyay ee gool dhalin kooxdan.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Anfield  

SAACADA: 6:00 PM

MAXAA CUSUB?

Daafaca dambeedka bidix ee Alberto Moreno ayaa laga yaabaa inuu seego seddex kulan kale kadib markii uu soo gaaaray dhaawac canqowga ah, halka Nathaniel Clyne uu weli maqan yahay.

Weerarka Liverpool Daniel Sturridge ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii uu wajahay xanuun toddobaadkii lasoo dhaafay.

Leicester waxaa u diyaarsan Daniel Amartey kadib markii uu seegay kulankii ugu horeeyay Boxing Day oo kooxdiisa 2-1 kaga badiyay Watford.

Robert Huth oo ka dhaawacan canqawga, Danny Simpson iyo Matty James ayaa dhamaan ka maqan kooxda uu hogaamiyo tababare Puel.

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Liverpool ayaa guuldarreysatay markii ugu dambeysay oo ay labadaan ku kulmeen EFL horaantii xilli ciyaareedkaan, laakiin Foxes waligeed laba kulan oo isku xiga kama badin Reds hal xilli ciyaareed tan iyo 1998-99kii.

Saddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee dhexmara labada kooxood waxa la isaga dhaliyay 14-gool.

Lix kamid ah sideed gool oo Leicester ka dhaliyeen Liverpool afartii kulan ee ugu dambeysay waxaa dhaliyay Jamie Vardy

Jamie Vardy ayaa dhaliyay lix gool, waxaana oo Premier League ah kulamada uu wajaho Liverpool, waana in kabadan kooxaha kale.

Fikradaha Akhristayaasha (0)