HORDHAC: Chelsea vs Stoke City- Blues Oo Badiyay Sagaalkii Kulan Ee Ugu Dambeeyay Garoonkoooda Ku Wajaheen Stoke

Chelsea ayaa waxaa ka maqan weli David Luiz marka ay martigeliyaan kooxda Stoke, iyadoo dhaawac uu qabo daafaca reer Brazil.

Luiz ayaa la filayaa inuu kasoo laabto dhaawac jilibka ah Isbuucyada soo socda marka kooxdiisa FA Cup-ka ku wajahayaan Norwich.

Tababaraha Blues Antonio Conte ayaa ka dhawaajiyey kulankaan inuu isbedel ku sameyn doono shaxdiisa.

“Waxaan heysanaa kulan adag oo aan wajaheyno Stoke City” ayuu yiri. “Waa inaan ciyaarno ciyaarta ugu fiican si aan u qaadano saddexda dhibcood.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stamford Bridge 

SAACADA: 6:00 PM

MAXAA CUSUB?

Conte waxa uu shaaca ka qaaday in Luiz uu ku dhow yahay soo kabsasho buuxda, halka Charly Musonda uu sugi doono ilaa isbuucyada soo socda.

Stoke ayaa ku jirta xaalad qatar ah, iyadoo Mark Hughes kooxdiisa ay ka maqan yihiin seddex daafac dhexe oo muhiim ah.

Kooxda difaacaneysa Premier League ayaa dhalisay 41 gool 20 kulan oo ay ciyaareen xili ciyaaareedkaan, waxaana ay ubadan tahay in ay sii wadaan bandhigooda gooldhalinta.

Ryan Shawcross, Bruno Martins Indi iyo Kurt Zouma ayaa dhamaan seegaya kulanka ka dhawaca garoonka Stamford Bridge.

Shawcross ayaa ka dhawacan kubka, waxaaana lagu qasbay inuu isaga baxo kulankii kooxdiisa 1-1 la gashay Huddersfield, halka Martins Indi uu dhaawac muddo dheer la maqan yahay.

Zouma ayaan ka hor imaan karin kooxdiisii hore, halka Glen Johnson laga yaabo inuu bedelo Erik Pieters oo ka ciyaara daafaca dhaxe.

XAQIIQADA KULANKA

Chelsea ayaa badisay 25 dhibcood 27 kulan oo ay la ciyaaren Stock, waxaana kujira sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay marti galiyeen, iyagoo badiyay sideed kulan, halna barbaro ay galeen kan kale.

Stoke City ayaa laga badiyay 14 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Chelsea, waana in ka badan inta ay ka badyeen kooxaha kale.

Chelsea ayaan laga badinin kulan Premier League oo ay ku wajahayaaan garoonkooda kooxda Stock tan iyo 2011kii.

Fikradaha Akhristayaasha (0)