Puntland vs Jubbaland…(Wax walba oo aad ugu baahan tahay Finalka tartanka maamul goboleedyada)

Garoonka Koonis degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir ayaa galabta lagu soo gaba-gabeyn doonaa tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka soconayo caasimadda Muqdisho, waxaana sanadkii labaad oo xiriir ah Finalka is keenay Puntland iyo Jubbaland.

Advertisement

Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay shan maamul goboleed oo lagu daray  gobolka Banaadir, iyadoo kama dambeysta ay isugu soo hareyn Puntland iyo Jubbaland.

Waa sanadkii labaad ee Tartanka waxa uuna  si rasmi ah u bilaawday 15 Luuliyo 2016–ka,xilli ay ku guuleysatay Puntland.

Labada koox ee galabta ku ballansan Koonis ayaa waxa ay kasoo kala badiyeen Banaadir iyo iyo Koofur Galbeed ciyaarihii Sami Finalka.

Natiijooyinka saddexdii ciyaar ee Jubbaland

Group A

Banaadir 2- 1 Jubbaland

Jubbaland 2-1 Galmudug

Sami Final

Jubbaland 2-0 Koofur Galbeed

Kaalinta  ay Group-ka ugu soo baxday

# Team Name MP W L D F A GD Pts
1 Banaadir 2 2 0 0 5 1 4 6
2 Jubbaland 2 1 1 0 3 2 1 3
3 Galmudug 2 0 2 0 1 5 -4 0

Natiijooyinka saddexdii ciyaar ee Puntland

Group B

Hirshabeele 3-3 Puntland

Koofur Galbeed 1-1 Puntland

Sami Final

Puntland 1-0 Banaadir

Kaalinta  ay Group-ka ugu soo baxday

# Team Name MP W L D F A GD Pts
1 Koofur Galbeed 2 1 0 1 2 1 1 4
2 Puntland 2 0 0 2 4 4 0 2
3 Hirshabeele 2 0 1 1 3 4 -1 1

Puntland ayaa tartanka ka dhilisay shan gool,halka Jubbland iyana dhankeeda ay dhaliyeen shan gool.

Gool dhallinta tartanka waxaa saddex gool ku hoggaaminaya weeraryahanka jubbaland Muuse C/raxiim,halka min laba gool ay leeyihiin weeraryahanada Puntland ee Yacquub iyo Maxamuud Injineerka.

Ciyaarta ayaa billaaban doonto 3:00 galabnimo si fursad loogu hello in lagu darro 30 daqiiqo waa haddii ay bar baro isku mari waayaan maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Fikradaha Akhristayaasha (0)