Jubbaland oo garaacday Koofur Galbeed, final-ka tartanka maamul goboleedyadana markale ballansatay Puntland!

Wiilasha Jubbaland ayaa kulankii ay galabta la ciyaareen dhiggooda Koofur Galbeed waxa ay uga adkaadeen 2-0, iyagoo sidaas iska xaadiriyey final-ka tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya.

Qeybtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaaminayeen Jubbaland, waxaana goolkaas u dhaliyey maamulka Jubbaland xiddigooda Muuse ee weerarka uga dheela.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta markale ciyaaryahan Muuse ayaa shabaqa soo taabtay, waxaana uu dhaliyey goolka labaad ee Jubbaland weliba goolka labaad ee uu galabta dhaliyey ayaa ahaa mid cajiib ah oo uu si wacan u xirfadeystay.

Kulankii galabta dhexmaray Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed ayaa ku soo dhammaaday 2-0 ay ku badiyeen maamulka Jubbaland oo sidaas ugu soo baxay kama dambeysta tartanka Maamul goboleedyada.

Taariikhda ayaad moodaa inay markale dib isku soo celisay waxaana final-ka tartanka Maamul Goboleedyada sanadkii labaad oo xiriir ah isku qaban doona Jubbaland iyo Puntland.

Jubbaland oo doonaysa inay ka aar gudato Puntland oo sanadkii hore rigooreyaal uga qaaday koobka tartanka ayaa diyaar u ah kulanka final-ka ee ay labada dhinaca ciyaari doonaan Jimcaha, si la mid ah Puntland ayaa dhankeeda doonaysa inay koobkan difaacato oo sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleysato.

Fikradaha Akhristayaasha (0)