Jubbaland Oo Usoo Gudubtey Semi Finalka Tartanka iyo Galmudug oo Macsalaameysay.

Kooxda kubada cagta Jubaland  ayaa xaqiijisay iney usoo baxdey wareega xiga  ee semi finalka tartanka dawlad goboleedyada  iyo gobolka banaadir .

Waxay soo  afareeyeen kooxda jubaland  kooxaha horeey uxaqiiyey usoo bixitaankooda  wareega semi finalka oo kala Banaadir  Puntland iyo K/galbeed.

Cayaaryahanka nambarka 10aad  fahad maxamuud yuusuf ayaa hogaanka udhiibay kooxda Jubaland qaybtii hore ee ciyaarta kana dhigey ciyaarta 1-0 oo ay hogaanka ku hayso kooxda Jubaland .

Kahor inta aan la aadin  waqtiga nasashada waxaa goolka barbardhaca udhaliyey kooxda Galmudug  cayaaryahanka nambarka 5aad  Cadnaan   xirsi  kaahiye   kaasi oo dhaliyey gool qurux badnaa oo ahaa  bilisyoon.

Iyadoo sidaas lakula nastay  labada kooxoodba ay bareejo yihiin

Waxkasta waxey is bedeleen qaybtii labaad ee ciyaarta kadib markii cayaaryahan Muuse C/rixiim maxamuud oo goaamiyey natiijada ciyaarta oo ka dhigay 2-1 oo ay ku hogaamineyso kooxda Jubaland goolkaas oo ahaa mid uu muuse  si sahlan ula dhexmarey daafacyada kooxda Galmudug ugu danbayna kubad jog hoose ah uu ka dhaliyey goolhayaha Galmudug.

Ugu danbeyn ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay  2-1 oo ay guushu ku raacdey kooxda sanadkii hore finalka tartankii sanadkii hore ee Jubaland.

Tartanka ayaa sii adkaanaya iyadoo ay isugusoo hareen afar kooxood oo adag horeyna  usoo gaarey   semi finalka tartankaan  marka laga reebo K/galbeed oo markii  ugu horeysay soo gaartey heerkaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)