Warbixin: Dortmund Guud Ahaanba ka Hartay Chamions League,Realmadrid oo Iska Xaadirisay Wareega 16aad;

Madrid ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxayna waqti wacan u ahayd da’yarka uu Zidane kulankan ku soo bilaabay ee Borja Mayoral kaas oo kooxdiisa Los Blancos u dhaliyay goolka furitaanka kadib markii uu gool caawin ka helay Isco

Real Madrid ayaa si buuxda u ahayd hogaamiya ciyaarta kooxda realmadrid ayaa markasta  waxaa laga filan karay  goolal iyada oo kubbad haynta iyo awooda ciyaarta markiiba la wareegtay halka Dortmund ay raadinaysay qaabkii ay ku gaadhi lahayd shabaqa Madrid ee ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

Cristiano Ronaldo ayaa halkiisa ka sii watay gool dhalintiisa cajiib ah ee uu xili ciyaareedkan kaga jiro Champions Leaque si ka duwan horyaalka La liga, wuxuuna kooxdiisa u dhalyay goolka labaad kaas oo ahaa goolkiisii 9 aad ee uu ka soo dhaliyay kulamadii heerka Goupyada ee xili ciyaareedkan, waxaana shaqo fiican soo qabtay Kovačić oo Ronaldo caawintan u sameeyay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Los Blancos hogaanka ciyaarta ugu dheeraysatay.

dhamaadkii qaybtii hore Dortmund ayaa la timid goolka ay rajadeeda ciyaarta dib ugu soo noolaysay waxaana goolkan u saxiixay Aubameyang kadib markii caawin ka helay Schmelzer waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay wali Madrid hogaanka ciyarta ku haysay, sidaa ayaana qaybtii hore lagu kala nastay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Dortmund soo laabtay iyada oo si xoogan u doonaysay in ay ciyaarta wax ka badasho oo ay la timaado goolka ay Madrid qaybtii hore hogaanka ciyaarta kaga haysay halka Los Blancos ay raadinaysay goolka labaad si ay hogaankii labada gool ahaa u soo ceshato.

orussia Dortmund ayaa ciyaarta dib ugu soo labaabtay kadib markii uu  Aubameyang dhaliyay goolka labaad ee kulankan ee uu kooxdiisa ciyaarta si buuxda dib ugu soo celiyay laakiin difaaca Madrid ayaa qalad wayn u sameeyay  Aubameyang isaga oo boos cidlo ah ka toogtay Navas kaas oo isku daygii hore badbaadiyay laakiin xidiga ree Gabon ayaa mar labaadkii goolkan ku dhaliyay waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2-2 ah.

ugu danbayn Real Madrid ayaa jabisay iska caabintii Dortmund waxaana goolka saddexaad Madrid u keenay Lucas Vázquez kaas oo markiisa caawin ka helay Theo Heranndez oo kulankan ka mid ahaa ciyaartoyda fursada ku helay in Zidane uu ka fikirayay kulanka Sevilla, waxayna ciyaartu noqotay 3-2 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)