Kooxda Napoli ayaa ka haraty champions league waxayna u jahaysatay xagaa iyo europ leage;

Kooxda Napoli ayaa awoodeeda Serie A-da kusoo bandhigi weesay tartamada Yurub waxayna si waji gabax ku dheehan uga hartay Champion-ka. Napoli ayaa guuldaro 2-1 kala kulantay naadiga Feyenoord xili ay safar ahaayeen taasina waxay soo idleesay rajo walbo oo ay ka qabeen inay wareega xiga u gudbaan. Kooxda Shakhtar iyadana si geesinimo ku dheehan waxay 2-1 kaga badiyeen naadiga Man City waana ku filnaan waayay Sergio Aguero daqiiqadii 90-aad goolka uu City u dhaliyay. Kooxda Man City kaalinta kowaad ayay kusoo baxday balse guuldaradii ugu horeesay ayay xili cayaareedkan Champion-ka la kulantay waxaana lasoo idleeyay guulaheedii xariirka ahaa ayadoo 15-dhibcood la imaaday Guruub F. Kooxda Shakhtar ayaa 12-dhibcood kusoo baxday halka Napoli 6-dhibcood heshay 6-kulan ay cayaartay waxayna ku dhameesatay booska 3-aad ayadoo europa League aadi doonto.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)