Xogta:Shakhtar Donetsk Vs Man City, Shakhtar Ayaa Iska Eegaysa Napoli Hadii Laga Badiyana Waaba Hartaa;

City ayaa kulanka soo galaysa iyada oo wakhti hore sii xaqiiqsatay booskeeda wareega 16-ka kadib markii ay dhamaan wada guulaystay 5-tii kulan ee hore.

Si kasta ha ahaatee City ayaa kulanka u soo galaysa in ay guul ku xirato wareega Group-yada ee tartanka waxana ay kulanka u soo gali doontaa in ay guul gaarto.

Dhanka kale kooxda Shakhtar Donetsk ayaa kulanka si adag u soo galaysa iyada oo hadii ay guul gaari waydo khatar ugu jirta in ay booska u waydo kooxda Napoli.

Xogta kulanka:

Kulankan ayaa ah kulankii 2-aad ee dhex mara labadan kooxood tartanka champions league kadib markii ay horay u soo wada ciyaareen lugtii hore ee ay Man city ku soo badisay 2/0.

Kulamada 41-ka ah ee ay City ilaa haatan ciyaartay ayuuna midna ku dhamaan bar-baro goolal la,aan ah.

Kooxda Man city ayaa wakhti hore ugu soo baxday wareega 16-ka maadama ay dhamaan badiyeen kulamadii 5- ahaa ee ay soo ciyaareen halka bar-baruhu uu kooxda shakhtar ka caawinayo in ay u soo baxaan wareega 16-ka

Sanadkan ayaa ah sanadkii 7-aad ee ay kooxda Man city ka qayb gasho champions league waxana ay wareega 16-ka dhafeen hal mar waana sanadkii 2015/16 wakhtigaas oo ay gaareen semi-finalka

Kulanka: Shakhtar Donetsk Vs Man City

Tartanka: Champions Leageu

Wakhtiga: 10:45 pm

Garoonka: Stadion Metalist

.

Fikradaha Akhristayaasha (0)