Warbixin: kulanaka Liverpool Vs Spartak Moscow Ayaa Lagu Ciyaari doonaa Anfield Road, Spartak Moscow oo ay u Badan Tahay In Ay Aado Europ league;

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyada oo kaliya rabta guul si ay ugu soo baxdo wareega xiga sidoo kale ku dhamaysata kaalinta 1-aad ee Groupka.

Kooxda Klopp ayaa kulanka soo galaysa iyada oo aab ciyaareed fiican ku jirtay kulamadii ugu dambeeyay waliba gaartay guulo wax ku ool ah.

Xogta kulanka:

Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin kooxda Spartak Moscow marka ay joogto garoonkeeda Anfield tartanka champions league 2 kulan way badisay hal kulan bar-baro ayay la gashay.

Kooxda Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin todobadii kulan ee ugu dambaysay inkasta oo ay 5 ka mid ah bar-baro gashay.

Kooxda Spartak Moscow ayaa kaliya 6 kulan badisay 40-kii kulan ee ugu dambeeyay tartanka champions league 8 kulan bar-baro ayay galeen 26 kulan waa laga badiyay waxa ay sidoo kale ku fashilmeen in ay goolkooda ilaashato 15-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Wax aan guuldaro ka ahayn kooxda Liverpool ayaa u gudbi doonta wareega xiga ee 16-ka guusha ay gaartana waxa ay ka caawinaysaa in ay ku soo baxaan kaalinta 1-aad.

wakhtiga kulanka  lla daawan doono,

Kulanka: Liverpool Vs Spartak Moscow

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Anfield

Garsoraha: Szymon marciniak(Poland)

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)