Maxaa Kala Socotaa Atlectico Madrid oo Ka Hartay Champions Leaque;

Kooxda Atletico Madrid oo xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay soo gaadhaysay heerarka ugu danbeeya ee UEFA Champions Leaque ayaa xili ciyaareedkan si lama filaan ah ugu hadhay heerka Groupyada kadib markii ay natiijooyin lama filaan ah la soo kulantay intii uu xili ciyaareedkani socday. Atlelico Maddrid ayaa kulankii Chelsea iskeentay iyada oo guul ku qasbanayd isla markaana gargaar ka doonaysay kooxda Qarabag oo AS Roma la ciyaaraysay.

Inkasta oo ay Atletico Madrid goo kaga hormartay kooxda Chelsea kaas oo uu dhaliyay Sual ayay haddana awoodi wayday in ay ugu yarana iyadu guul ka gaadho Chelsea waxaana goolka xaalada ku sii xumeeyay kooxda Simeone iska dhaliyay Savic laakiin sidoo kale AS Roma ayaa xaalada uga sii dartay kadib markii ay 1- 0 ku garaacday kooxda Qarabag.

Sidaa daraadeed, Chelsea iyo AS Roma ayaa groupkan ka soo baxay halka Atletico Madrid ay tartankan ka hadhay waxayna ka ciyaari doontaa Europa Leaque maadaama oo ay kaalinta saddexaad kaga dhamaysatay groupkeeda.

Chelsea ayaa kaalinta kowaad Group C ulumisay iyada oo AS Roma noqotay kooxd kaalinta kowaad ku gashay natiijooyinkii kulaamdii ay Chelsea soo wada ciyaareen maadaama oo ay kulankii Rome kooxda ree Talyanai guul wayn ka soo gaadhay Blues.

Fikradaha Akhristayaasha (0)