Manchester United Iska ka Ilow Taariikhdii Lama Ilaawanka Ahayd ee Labo Daqiiqo Laba Gool , Xalay Waxaa Ay Qortay Taariikh Cusub oo Ah 1 Haldaqiiqo Labo Gool;

Jose Mourinho ayaa kulankan shaxdiisa laga dareemayay in uu ka fikirayay kulanka Manchester Derby ee axada isaga oo shaxdiisii uu guulaha ku soo gaadhay isbadalo ku sameeyay laakiin kooxda CSKA Moscow yaa doonaysay in ay u soo baxdo wareega 16 ka kooxood oo ay ugu yaraan kooxda FC Basel kala baxdo booska halka United ay kulankan hal dhibic uga baahnayd.

Qaybtii hore ee kulankan ayaa inta ugu badan gool la’aan ahaa laakiin kooxda CSKA Moscow ayaa si wayn uga shaqaysay in ay Manchester United oo Old Traffrod joogta ay guul ka raadiso maadaama oo ay si wayn ugu baahnayd in ay natiijo fiican kulankan ka hesho.

CSKA Moscow ayaa Manchester United ciyaarta la qaybsatay balse Red Devils ayaa boosishan ahaan iyo darbooyinka goolka lagu beegsaday wax yar kaga saraysay kooxda martida aahyd laakiin iyada oo ciyaartu u muuqata in qaybtii hore gool la’aan lagu kala nasanayo ayay CSKA Moscow goolka furitaanka la timid daqiiqadii 45 aad ee dhamaadkii qaybtii hore waxaana goolkan u saxiixay A. Dzagoev kaas oo caawin ka helay Vitinho.

Manchester United ayaa saddex jeer bartilmaameedsatay goolka CSKA Moscow laakiin waxay ku fashilantay in ay qaybtii hore wax goolal ah la timaado halka CSKA Moscow ay goolka kula timid laba bartilmaameed oo ay goolka United ku beegsatay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay CSKA Moscow ciyaarta hogaanka ugu haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta  ayay Mancherter United soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markaana ku socota dardar xoogan oo ayna CSKA Moscow joojin karin iyada oo Jose Mourinho uu kooxdiisa u soo dhameeyay dardaarankii ugu danbeeyay.

daqiiqadii 64 aad Romelu Lukaku ayaa ugu danbayn kooxdiisa Man United u keenay goolka barbaraha kadib markii uu kubbad caawin ka helay Paul Pogba oo ay si wayn isku fahmaan wuxuuna goolkani niyadjab ku jiray kooxda dadaalka badan soo bixisay ee CSKA Moscow waxayna ciyaarta noqotay barbaro 1:1 ah.

daqiiqadii 66 aad oo ah laba daqiiqo kadib goolkii Romelu Lukaku ayay Manchester United la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta dhinaca kale ugu dhigtay waxaana markan Red Devils hogaanka u dhiibay  Marcus Rashford iyada oo Juan Mata uu qaatay doorka gool caawinta waxayna natiijadu laba daqiiqo gudahood isku badashay 2:1 ay Red Deivels markeeda hogaanka kula wareegtay.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)