Kooxda realmadrid ayaa soo dhawayn doonta kooxda reer germeny ee Dortmund, real oo aan 8 sanno guul daro kasoo gaarin koox germeny ah oo timaada Bernabéu;

Indhaha caalamka ayaa isha ku haya kulanka caawa Real Madrid ay ku marti gilinayaan kooxda Dortmund ee wareegga 6-aad ee marxaladda Group-yada Champion-ka waana kulanka ugu dambeeyay ee wareeggaas .

Real waxa ay doonayaan in ay guul gaaraan kulankaas si booska 1-aad ee Group-kooda ugu soo baxaan halka Dortmund hjaminayaan in ay badiyaan si ugu soo baxaan Europe league iyaga oo ku soo baxaya booska 3-aad

Maxaadan ka ogayn kulankan

Dortmund waxa ay u baahan yihiin bar bar dhac ama guul si si ugu soo baxaan Europe league balse waana in kooxda APOEL Nicosia ku hor kufaan Tottenham.

Real waxa ay Dortmund wajahayaan markii 10-aad 5-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, 6 ka mid ah waxa ay aheyd marxaladda Group-yada .

Dortmund weli Real ugama badin garoonka Santiago Bernabéu iyadoo Champion-ka lajoogo waxa ayna kooxda reer Jarmal ku soo guul dareysteen halkaas 4 jeer halka laba jeerna ku soo galeen bar bar dhac

Real waa badiyeen 32 jeer 38-dii kullan ee ugu dambeeyay Champion-ka sidoo kale loogama badan garoonkooda iyadoo la joogo marxaladda Group-yada Champion-ka waana guul daradii 3/2 aheyd ee AC Milan kala kulmeen October sanadkii 2009-kii halka ka dib ay guuleysteen 21 jeer waxa ayna bar bar dhac galeen sedex jeer

Fikradaha Akhristayaasha (0)