Barca oo Guud Ahaanba ka Cirib Tirtay Sporting cp Champions league Una Dirtay Xagaa iyo Portugal;

 

Tababare Valverde ayaa go’aan ku gaadhay in uu shaxdiisa siddeed isbadal ku sameeyay isaga oo ka fikirayay kulanka muhiimka ah ee ay kooxdiisu booqan doonto kooxda Villarrreal isaga oo aan kulankan ku soo bilaabin Ter Stegen, Jordi Alba, Roberto Roberto, Paulinho, Busquets, Deulofeu iyo Lionel Messi.

Laakiin ciyaartoyda uu Valverde kulankan u soo xushay ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed lagu caajisay inkasta oo ay awoodeen in ay kubbada inta badan ka haystaan kooxda martida ahayd ee Sporting oo dagaal ugu jirtay in ay u soo baxdo wareega 16 ka kooxood ee UCL.

Inkasta oo ay Barcelona haysatay labadii ujeedo ee ugu waynaa ee ahaa in ay wareeega 16 ka kooxood ee Champions Leaque u soo baxday iyo in ay kaalinta kowaad groupkeeda ka rahmatay haddana Valverde ayaa doonayay in ay kooxdiisu guul gaadho balse qaybtii hore ee kulankan waxay u muuqdeen kuwo aan halis badan galin karin goolka Sporting.

Sidoo kale kooxda martida ahayd ee Sporting ayaa inta badan ku mashquulsanayd sidii ay goolal iskaga ilaalin lahayd balse weeraro deg deg ah oo ay goolal ku raadinaysay ayaan noqon kuwo wax soo kordhiyay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Sporting ku qasbanayd in ay weerarkeeda xoojiso si ay uraadiso fursad ay wareega 16 ka kooxood ee Champions Leauqe ugu soo bixi kartay waxaana kaydka laga soo kiciyay xidiga ay Barcelona iyo kooxaha kala la socdaan ee Gelson Martins iyada oo ciyaarta laga saaray Stefan Ristovski.

Kooxada sporting cp   ee  socotay dalka Portugal ayaa waxaa  daqiiqadii 59 aad ee ciyaarta

Goola kaga naxsaday p.alcacer

ciyaarta ayaana waxaa ay ahayd mid hal  dhinac ay kubadu ka socoto.

Intaa ka dibid daqiiqadii 90 aad ayey barca ku khasabtay in ay goolka labaad iska dhaliyaan sporting cp

Waxaana goolka iska dhaliyey j.mathiau.

Fikradaha Akhristayaasha (0)