Kooxda Chalsea oo Kubiiratay Kooxaha Usoobaxay Wareega 16 ee Champions League Markay Tumatay Kooxda Qarabag;

Chelsea ayaa xaqiijisatay booskeeda wareega 16-ka Champions League markii ay 4-0 ku garaacday 10 ciyaaryahan oo Qarabag ah hameenkii xalay ahaan.

Blues ayaa u baahneyd inay ku badiso garoonkeeda Qaranka si ay ugu gudubto wareega 16ka ee champions league waxaana caawiyay labo rigoore iyo labo gool ay ay six or ah u dhashatay chalsea,

Kabtanka Qarabag Rashad Sadygov ayaa casaan lasiiyey daqiiqadii 18aad ka dib markii uu kubad  kula xifaaltamay  Willian, ka hor inta uusan Eden Hazard bedelin gool. Weerar yahanka reer Brazil ayaa markaasi ku daray goolkiisii uu u dhaliyey daqiiqadii 36aad oo uu  dhaliyeyChelsea.

Willian ayaa mar kale ku lug lahaa rigoorada labaad markii Gara Garayev uu jiidhay. Waxa  gool  ubadalay Cesc Fabregas 73daqiiqo marka ay maraysa ciyaarta,

Ugu damayntiina ciyaarta ayaa ku soo idlaatay natiijo 0:4 ah oo ay ku adkaatay kooxda ka socotay dalka England ee chalsea,

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)