Taageerayaasha Liverpool Oo u Hambalyey Farmino Goalkii 2aad Ee Xalay Kadib;

Sidee ayuu u fiicnaa qaybtii hore ee ay Liverpool la ciyaartay kooxda Sevilla?

Reds ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah qaybtii hore ee kulankii ay la ciyaareen sevilla iyaga oo 3/0 ku hogaamiyay kooxda Sevilla una muuqday qaar xaqiiqsaday booskooda 16-ka tartanka.

 

Roberto Firmino ayaa hogaanka u dhiibay 88 il biriqsi oo kaliya ka hor inta ayna goolka labaad dhalin daqiiqadii 22-aad oo uu u dhaliyay Sadio Mane.

Laakiin Firmino ayaa ciyaarta ka dhigay 3/0 daqiiqadii 30-aad xilli goolkaas uu qabtay indhaha taageerayaasha kooxda Liverpool.

Kadib dadaalkii Mane uu ku so dhaafay goolhaye Sergio Rico, Firmino ayaa helay kubada kaligii laakiin goolka umuu dhalin sidii caadiga ahayd.

Xiddiga reer Brazil ayaa goolka dhaliyay isaga oo eegaya meel aan goolka ahayn taas ayayna aad ula dheceen taageerayaasha Liverpool.

Zar Khan ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray “Dilaa Firmino: waxa uu dhaliyay isaga oo aan xitaa goolka eegayn”.

Colin Storey ayaa isna soo qoray” Firmino waxa uu eegayay jihada kale markii uu dhaliyay goolkiisii 2-aad Heer Sare”.

Indigo ayaa isna soo qoray”Firmino waxa uu baasay imtixaanka GCSE isaga oo aan xitaa warqada eegayn”.

Twelve ayaa isn yiri” Sidaa darted goolkii Firmino waxa uu ahaa gool aan la eegayn”.

Liverpool ayaa ugu dambayn noqotay Liverpool kooxda Sevilla-na u ogolaatay in ay ciyaarta ku soo laabato qaybtii dambe ee ciyaarta iyaga oo ugu dambayn hal dhibic kala yimid Spain.

Fikradaha Akhristayaasha (0)