Sky Sports oo soo saartay qiimeynta awoodda ciyaartoyda EPL ee Isbuucaan –Mohamed Salah ayaana ugu sarreysa (Xog dhammeystiran)

Garabka kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa wuxuu Isbuucaan ugu sarreeyaa qiimeynta Sky Sports Power Rankings, qiimeyntaan oo lagu sameeyey horyaalka England Premier League.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Egypt ayaa dhaliyey laba gool kulankii ay Liverpool guusha 3-0 ah ka gaartay Southampton ee Sabtidii ka dhacay Anfield Road.

Xiddiga Manchester City Kevin De Bruyne ayaa hal boos hoos u dhacay oo ku jira kaalinta 3aad, inkastoo uu shabaqa soo taabtay kulankii ay guusha 2-0 ah ka gaareen Leicester City, halka Fernandinho uu sidoo kale hal boos hoos u dhacay marka loo fiirsho Isbuucii lasoo dhaafay, Leroy Sane ayaana kasoo muuqday kaalinta 7aad taasoo ka dhigan inuu laba boos hoos u dhacay.

Xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa kaalinta 2aad soo galay ka dib markii uu laba gool ka dhaliyey West Brom Sabtidii, Alvaro Morata ayaa yimid kaalinta 6aad isagoo 27 boos sarre usoo kacay, halka Marcos Alonso uu 66 boos sarre usoo kacay isagoo yimid booska 13aad ee qiimeynta Sky Sports England Premier League Power Rankings.

HALKAAN HOOSE AYAAD XOGTAAN OO DHAN KA DHAMMEYSTIRAN KARTAA.

Qiimeynta awoodda ciyaartoyda EPL ee Isbuucaan iyo dhibcaha uu keensaday xiddig walba illaa haatan xilli ciyaareedkaan
20ka kooxood ee EPL iyo ciyaartoyda qaab ciyaareed ahaan ugu qiimeynta sarreeya

Fikradaha Akhristayaasha (0)