Real madrid Oo Soo Baxayday Iyo Weerar Yahanada Real Oo Soo Afmeeray Abaartii Gool La,aaneed ;

Real Madrid ayaa xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega 16ka ee Champions League ka dib markii ay 6:0 ku khaarajiyeen  kooxda APOEL oo marti loogu ahaa dalka  Qubrus, iyadoo iyo Cristiano Ronaldo iyo  Karim Bezema ay min labo gool dhaliyeen halka Nacho iyo Luka Modric ay iyagana shabaqa soo booqdeen . Waana guushii ugu weyneyd ee ay Real Madrid ku  ku soo gaarto garonka baxsan spain  koobkan  Champions League ee haatan socda.

Taariikhda iyo mashaqooyinka ahaysta real madrid

Qaab ciyaareed hoose iyo dhaawacyo , qilaafyo   ka jira qolka  labiska, abaar goolal la,aaneed  oo heysata wereeraryahanada  intaas oo mar xaladood ayey  wajahaysa Real Madrid xilli ciyaareedkan, sidaasi oo ay tahay waxa ay xaqiijisteen in sannadka cusub ay ka soo muuqanayaan wareega 16ka ee Champions League.

Madrid waxa xilli ciyaareedkii 21aad ee isku xigta ka soo muuqanayaa wareega 16ka ee Champions League waana rikoor soo jiitamayay tan iyo xilli ciyaareedkii 1996-97 markaasoo ay xitaa ku guuldareysteen inay u soo horyaalka qaraada yurub.

Barcelona ayaa xilli hore 10 dhibcood uga heysa hogaanka La Liga balse Madrid ayaa waji cusub  oo ay ku wajahayso  Champions League.

Xilli ciyaareedkii hore waxa ay isku qaadeen La Liga iyo Champions League waxaana ay aheyd markii ugu horeysay ee ay sidaas sameeyaan muddo 59 sannadood ah,

iyadoo Real Madrid ay caado ka dhigatay in guulaheeda Yurub ay ku daboosho sida ay uga gaabiyaan mararka qaar tartamada maxaliga ah.

 Benzema waxaa uu ka baxay abaartii gool la,aaneed hameenkii  xalay ahaa

Xitaa Benzema taageerihiisa ugu weyn Zidane ayaa qirtay in ninka reer France uu u baahan yahay inuu sarre u qaado ciyaartiisa ka dib markii uu hal gool kaliya dhaliyay 10 kulan uu  ka soo  muuqday safka realmadrid.

Marka ay timaado  ka hadalka  koobka Champions League, mudadii uu Benzema sugayay inuu gooldhaliyo ayaa ah mid ka sii dheer isagoo ay ugu danbeysay gool uu ka dhaliyay Napoli 279 maalmood ka hor.

Si kastaba, xiddiga reer France ayaa labadii gool ee uu xalayto Champions League ka dhaliyay waxa uu ku sameeyay taariikh, waxaana uu ka sarre maray ninka ay isku wadanka yihiin Thierry Henry isagoo noqday xiddigii shanaad ee abid ugu goolasha badnaa taariikhda Champions League isagoo haatan leh 53 gool

Ronaldo waa   ciyaar  yahan champion league

Abaarta goolasha ee Ronaldo ka heysa horyaalka La Liga isagoo dhaliyay kaliya hal gool sideed kulan uu saftay xilli ciyaareedkan ayaa keentay in su’aalo la iska weydiiyo haddii 32 jirkaan uu sii wadi karo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee looga bartay.

Cadeyntii laga arkay qaab ciyaareedkiisa Champions League ayaana jawaabta ka dhigeysa inay haa tahay.

Xiddiga Sannadka Adduunka ayaa haatan sideed gool dhaliyay shan kulan uu saftay Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana uu shabaqa soo taabtay kulan walba oo ay Madrid ciyaartay Group H.

Zidane oo soo bandhigay isbedel dhanka shaxda ah

Ka dib markii uu xilli ciyaareedka ku bilowday si liidata ka did guulihii uu kooxda ku hogaamiyay xilli ciyaareedkii

hore, su;aalo ayaa la iska weydiiyay haddii taatikada tababare ee Zidane ay la mid tahay sida uu hanad u ahaa markii uu garoomada ku jiray

Fikradaha Akhristayaasha (0)