Natiijooyinka Champions League iyo Liverpool oo xalay la soo xasuusiyey Stanbul mar kale.

Natiijooyinka kulamadii caawa ee Champions League ee Qaarada Yurub.

 

Waxaa jiray kulamo hore loo ciyaaray caawa fiidkii hore waxaana qeybta hore E waxaa ku kulmay Spartak Moscow iyo Maribor waxaana ay ku soo idlaatay 1-1. Dhanka kale waxaa isla qeybtaan ciyaar hada soo idlaatay oo xiiso leh ka dhax martay Kooxaha Sevilla iyo Liverpool waxaana ay ku soo idlaatay 3-3 ciyaartaas oo ay Liverpool ku hormartay 3-gool waloow Sevilla ay dagaalantay oo ay barbaro keentay.

Dhinaca kale qeybta F waxaa kulmay Kooxaha Feyenoord iyo Manchester City waxaana ay City ku adkaatay gool soo daahay 1-0 kaga talaabsatay Kooxda reer Holland. Isla qeybtaan. Napoli ayaa 3-0 ku tuntay Kooxda Shakhtar Donestek waxaana ay hada Kooxda Napoli yeelatay rajo wanaagsan oo u soo wareegista.

Qeybta G waxaa ku ciyaaray Kooxaha Besiktas iyo Porto waxaana ayna ku kala tageen 1-1. Dhinaca kale Monaco ayaa guuldaro 1-4 oo xanuun badan kala kulantay Kooxda Red Bull Leipzig.

Qeybta H waxaa ciyaaray Kooxaha Apeol marti qaaday Real Madrid waxaana ay Real Madrid ku adkaatay 6-0 Kooxda Boqortooyada Madrid. Dhinaca kale Kooxda Spurs ayaa garaacday Kooxda Borussia Dortmund oo ay ku martiyeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)